HomeWarar(SAWIRO): Ugu yaraan 19 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay Isbitaal...

(SAWIRO): Ugu yaraan 19 qof oo ku geeriyootay dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Bariga dalka India.

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa la sheegay inuu dab xooggan ka kacay Isbitaalka SUM Hospital oo ku yaalla Degmadda Buhubanswar ee Gobalka Odisha. Dabkaasi oo ka dhashay Cillad Koronto ayaa waxaa kaloo ku dhaawacantay in ka badan 40 qof, kuwaasi oo lagu daaweynayo Qeybta Daryeelka Gaarka. Saraakiisha waxay ka digeen inay Dhimashaddu sii kordhi […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Boliska ayaa la sheegay inuu dab xooggan ka kacay Isbitaalka SUM Hospital oo ku yaalla Degmadda Buhubanswar ee Gobalka Odisha.

Dabkaasi oo ka dhashay Cillad Koronto ayaa waxaa kaloo ku dhaawacantay in ka badan 40 qof, kuwaasi oo lagu daaweynayo Qeybta Daryeelka Gaarka.

- Advertisement -

Saraakiisha waxay ka digeen inay Dhimashaddu sii kordhi karto, maadaama ay jiraan dad aad u gubtay oo xaalladooda laga dayrinayo.

Taliyaha Boliska Degmadda Buhubanswar, Yogesh Khuraniya ayaa sheegay in inta badan dadkaasi u geeriyoodeen Cabur ay ka qaadeen Qiiqa ka dhashay Ololka Dabkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in la soo samata-bixiyey 500 Bukaan, halka in  ka badan 100 kalena  loo wareejiyey Isbitaalo kale si loogu fidiyo Adeeg Caafimaad.

- Advertisement -

Kooxaha Dab-damiska ayaa la sheegay inay muddo 5 saacadood ku qaadatay sidii ay dabka u damin lahaayeen, una  soo badbaadin lahaayeen Bukaanadda ku go’doomay Isbitaalkaasi oo ay yaallaan Kun Sariiraha Bukaanadda.

india-fire00 india-fire

©Radio Dalsan

Latest stories