HomeWararBan Ki-moon oo soo bandhigay Tiradda Badmaaxiinta Shisheeyaha ee lagu haysto...

Ban Ki-moon oo soo bandhigay Tiradda Badmaaxiinta Shisheeyaha ee lagu haysto gudaha Somalia.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xoghayaha Guud ee QM ee uu Xilligiisu dhamaaday, Ban Ki-moon waxa uu xalay Warbixin Qoraal ah u guddbiyey Golaha Ammaanka ee QM oo uu kaga hadlay La-haystayaasha Shisheeyaha ee ay Burcad-baddeeda Soomaalida weli u haystaan si ay uga helaan Lacago madax-furasho ah. Qoraalka Ban Ki-moon oo ka koobnaaa 18 Bog, waxa lagu xusay inay 44-ka Badmaax ee afduubka loogu haysto Xeebaha […]

- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee QM ee uu Xilligiisu dhamaaday, Ban Ki-moon waxa uu xalay Warbixin Qoraal ah u guddbiyey Golaha Ammaanka ee QM oo uu kaga hadlay La-haystayaasha Shisheeyaha ee ay Burcad-baddeeda Soomaalida weli u haystaan si ay uga helaan Lacago madax-furasho ah.

Qoraalka Ban Ki-moon oo ka koobnaaa 18 Bog, waxa lagu xusay inay 44-ka Badmaax ee afduubka loogu haysto Xeebaha W/bari ee Somalia , iyadoo 5 La-hayste u dhasheen dalka Kenya.

- Advertisement -

ban-ki-moonWarbixinta ayaa lagu sheegay in Hal La-hayste oo Kenyan yahay qofka keliya ee ay Burcad-baddeeda sii daayeen sannadkan 2016-ka.

NInkaasi oo lagu magacaabo James Gadhamba ayaa waxaa la sii daayey bishii Feberaayo ee sannadkan, kadib, markii ay Ciiddanka Ammaanka ee Galmudug weerar ku qaadeen Burcad-baddeedii uu u afduubnaa.

Haweeney Kenyan oo la socotay Ninka la soo daayey waxay Burcad-baddeeda ku gacan galeen bishii November ee sannadkii hore, xilligaasi oo  ay Shixnad Daawooyin u soo wadeen gudaha Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Warbixinta Ban Ki-moon u gudbiyey Golaha Ammaanka laguma qeexin magacyadda Badmaaxiinta La-haystayaasha u ah Burcad-baddeeda Soomalida, balse waxa uu caddeeyey in Madax-furasho ahaan loo haysto 44-ka Badmaax.

26 ka mid ah Badmaaxiintaasi waxay la socdeen Markab laga leeyahay dalka Cumaaan, 10 Badmaax oo la socotay Markab laga leeyahay Iiraan iyo 3 la socotay Markab laga leeyahay dalka Yemen

©Radio Dalsan

 

Latest stories