HomeWararAMISOM oo sheegtay inay magdhow siinayaan Dhibanayaasha ay waxyeelladda gaarsiiyeen.

AMISOM oo sheegtay inay magdhow siinayaan Dhibanayaasha ay waxyeelladda gaarsiiyeen.

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia (The African Union Mission in Somalia (AMISOM) ayaa shalay ku dhawaaqday inay bilaabeen Qaab ay ugu tala-galeen inay magdhow ku siiyaan Khasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray weeraradda tooska ee ay AMISOM ka geysteen Somalia.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxa AMISOM ee Horumarinta Siyaasadda ee Waaxda Taageeradda Nabadda ee Ururka Midowga Afrika, Jide Okeke ayaa lagu sheegay inay Tallaabadaasi gacan ka geysan doonto sidii loo xoojin lahaa Xiriirka u dhexeeya AMISOM iyo Dadka Deegaanka, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii la soo gebagebeeyey Kulan-shaqo oo bishan 6-dii ilaa 7-dii oo lagu soo bandhigay Dukumentigii ugu dambeeyey ee arrintaasi.

Dukumentigaas ayaa loo gudbiyey Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika (AU)-da ku leeyihiin Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Madaxda Midowga Afrika ayaa la filayaa inay Qoraalkaasi soo anxiyaan Toddobaadyadda soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadda noocani o oay AMISOM ku sheeganayso inay magdhow ku siinayaan dadka Rayidka Soomaalida Eee ay dhibaatadda gaarsiiyeen ayaa ah midi ugu horreysay ee laga taaba-geliyo Qaaradda Afrika.

Dhibanayaasha ay AMISOM dhibaateeyaan ayaa waxaa lagu qiyaasaa Kumnanaan qof, mana kala cadda qaabka ay  AMISOM u bixin doonaan Kharajka Magdhowga ee Khasaarihii ay geysteen.

©Radio Dalsan

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories