HomeWarar(SAWIRO): Maxaad kala socotaa Madaxweynayaasha ugu taajirsan Qaaradda Afrika.

(SAWIRO): Maxaad kala socotaa Madaxweynayaasha ugu taajirsan Qaaradda Afrika.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Siyaasiyiinta Madaxda ka ah 54-ka Waddan ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa ku yar Madaxweyne nadiif ka ah Booli-Qaran, mana jirto Awood Sharci oo la xisaabtami karta Madaxda ku takri-fasha Hantida Qaranka.

Qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ma aha kuwo Awood badan oo keeliya leh, balse waxay noqdaan Taajiriin ku naaxa Hantida Qaranka.

Siyaasiyiinta ku naaxa Hantida Afrika ayaa waxaa looga baahan yahay inay aad uga fekeraan Caalami ahaan.

Siyaasiyiinta Taajiriinta noqday waxaa ku hoos nool dad sabool ah, oo Dakhligooda maalintiiba ka hooseeyo 2 Dollar.

Halkan ka akhriso 15-ka Madaxweyne ee ugu mushaarka sarreeya, sida laga soo xigtay JeuneAfrique and MyWage.

  1. Madaxweynaha Koonfurta Afrika, Jacob Zuma waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 272,000 oo Dollar.
  2. Madaxweynaha dalka Algeria, Abdelaziz Bouteflika, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 168,000 oo Dollar.
  3. Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 132,000 oo Dollar.
  4. Madaxweynaha Jesiiradda Comoros, Ikililou Dhoinine, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 115,000 oo Dollar.
  5. Madaxweynaha dalka Kongo, Denis Sassou Nguesso, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 110,000 oo Dollar.
  6. Madaxweynaha dalka Namibia, Hifikepunye Pohamba, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 110,000 oo Dollar.
  7. Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Libya, Ali Zeidan, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 105,000 Dollar.
  8. Madaxweynaha dalka Ivory Coast Alassane Ouattara, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa 100,000 oo Dollar.
  9. Madaxweynaha dalka Liberia, Ellen Johnson Sirleaf, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 90,000 oo Dollar.
  10. Madaxweynaha dalka Rwanda, Paul Kagame waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 85,000 oo Dollar.
  11. Madaxweynaha dalka Ghana, John Dramani Mahama, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaataa $76,000 Dollar.
  12. Madaxweynaha dalka Masar, Abdel-Fattah El-Sisi, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 70,400 oo Dollar.
  13. Madaxweynaha dalka Angola, José Eduardo dos Santos, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 60,000 oo Dollar.
  14. Madaxweynaha dalka Zambia, Guy Scott, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 65,000 per year)
  15. Madaxweynaha dalka Gabon, Ali Bongo Ondimba, waxa uu sannadkii mushaar ahaan u qaadataa 65,000 oo Dollar.Jacob ZumaAbdelaziz BouteflikaUhuru KenyattaIkililou DhoinineDenis Sassou NguessoHifikepunye PohambaAlassane OuattaraAli ZeidanEllen Johnson SirleafJohn Dramani MahamaPaul KagameAbdel-Fattah El-SisiJose Eduardo dos SantosGuy ScottAli Bongo Ondimba

WQ. Abukar Dayax & Xasan Istiila

©Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories