HomeWararKenya oo dadka deggan qeybo ka mid ah W/bari Kenya ku eedeeyey...

Kenya oo dadka deggan qeybo ka mid ah W/bari Kenya ku eedeeyey inay taageeraan Xarakadda Al-shabaab.

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Taliyaha Boliska Mandera, Frederik Shisia ayaa ku eedeeyey Dadka ku nool Tuulladda Sheekh Baruuk ee hoos-tagta Deegaanka Lafey ee W/bari dalkaasi inay  taageeraan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab, isla markaana u gudbiyaan Xogaha Ciiddanka Ammaanka ee ku sugan Nawaaxigaasi, waa sida uu hadalka u dhigay. Frederik Shisia waxa uu si qayaxan Dadka Deegaanka ugu eedeeyey inay Dagaalamayaasha […]

- Advertisement -

Taliyaha Boliska Mandera, Frederik Shisia ayaa ku eedeeyey Dadka ku nool Tuulladda Sheekh Baruuk ee hoos-tagta Deegaanka Lafey ee W/bari dalkaasi inay  taageeraan Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab, isla markaana u gudbiyaan Xogaha Ciiddanka Ammaanka ee ku sugan Nawaaxigaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Frederik Shisia waxa uu si qayaxan Dadka Deegaanka ugu eedeeyey inay Dagaalamayaasha Al-shabaab u fududeeyaan Hawlgalladda ay kula dagaalamaan Ciiddanka Ammaanka ee ilaaladda ku gaaf-wareega Deegaanadda hoos taga Lafeey.

- Advertisement -

Dhinaca kale, waxa u tilmaamay inay Hay’addaha Ammaanka Kenya bedeleen Istaraatijiyadda ay uga hortagaan Weeraradda Alshabaab, isla markaana ay Baro Kontorool oo xiriirsan ka samaysteen dhulka Xuduudka,  waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray in Maamul-gobaleedka Jubbaland gacan ka siiyaan Warbixinadda horseedi kara in laga hortago Weeraradada qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan Deegaanadda ku teedsan Xuduudka iyo Gobalka W/bari Kenya.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa la sheegay inay ka walaacsan yihiin weeraro kaga yimaada Dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna Saraakiisha Ammaanka Kenya ka baqdin qabaan inay Alshabaab adeegsadaan Hubkii iyo Gaadiidkii Dagaalka ee Askarta Kenya looga qabsaday Weerarkii ay Xarakadda Alshabaab bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qabsadeen Xeraddi iay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

 

 

 

 

Latest stories