HomeWararXarakadda Alshabaab oo soo bandhigay Sawiradda  Xaalladda Ammaanka ee Deegaanka Moqo-kori ee...

Xarakadda Alshabaab oo soo bandhigay Sawiradda  Xaalladda Ammaanka ee Deegaanka Moqo-kori ee Gobalka Hiiraan.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku soo bandhigay Barta ay ku leeyihiin Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda ee Telegram Account Sawirro muujinaya Muuqaalka iyo Isbedelka ka muuqda Deegaanka Moqo-kori oo ay Ciiddanka Ethiopianka kala wareegeen labo isbuuc ka hor.

War-saxaafadeed ay Xarakaddu soo saartay, laguna baahiyey Shabakadda Wararka ee Radiyaha ku hadla Codka Xarakadda Alshabaab ee Andulus ayaa lagu xusay inay Alshabaab si buuxda u maamulaan Deegaanka Mogo-kori iyo Deegaanadda ku hareeraysan.

Barta Alshabaab ee Aaladda Telgram waxaa kaloo lagu soo bandhigay Calanka Xarakadda oo ka babanaya bartamaha Moqo-kori iyo Dagaalamayaasha oo Ilaalo Roondo ah ku maraya gudaha iyo daafaha Moqori-kori iyo Dagaalamayaasha oo sii adkaynayo Dhufeysyadda Difaaca  ee Deegaankaasi.

Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee  longwarjournal.org  waxa uu maanta qoray inay Dadka deegaanka Moqo-kori xaqiijiyeen inay Xarakadda Alshabaab si buuxda u maamulaan Deegaankaasi, isla markaana ay dib u soo laabatay Nolosha Caadiga, Ammaanka iyo Hawlaha Ganacsiga ee ka jira Deegaankaasi iyo Tuullooyinka ku hareeraysan.

DAAWO SAWIRADDA DEEGAANKA MOQO-KORI OO AY ALSHABAAB MAAMULAAN.

alshabaab-1 alshabaab alshabaab5 alshabaab4 alshabaab3

©Radio Dalsan

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories