HomeWararDowldaha Somalia iyo Kenya oo qorsheynayo in Fiiso La'aan la isaga kala...

Dowldaha Somalia iyo Kenya oo qorsheynayo in Fiiso La’aan la isaga kala dhex goosho labada Waddan.

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Iyadoo Dowladda Kenya ka ambaqaadaysa Xiisadda Diplomaasiyadeed ee ka dhalatay Xayiraaddii KMG ee ay  Dowladda Somalua saartay Qaadka laga keeno ayaa waxay Dowladda Kenya indhaha ku haysa inay Labada Dowladood isla gaaraan  in Fiisaha Dal-ku-galka ee labada dal laga dhigo Lacag La’an (A Free Visa Pact).

Haweeneyda Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Amina Mohmed Jibril waxay Barteeda Twitter-ka soo dhigtay inay Dowladaha Somalia iyo Kenya ku heshiiyeen in la sameeyo Guddi Wadajirka ee Iskaashiga (A  Joint Commission of Cooperation (JCC) oo ka wada hadlay sidii Lacag La’aan looga dhigi lahaa Dal-ku-galka Labada Waddan.

- Advertisement -

Muddadii uu socday Shirweynihii 53-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD ku yeesheen Muqdisho dhowr maalmood ka hor ayey Madaxda Somalia iyo Kenya  ku heshiiyeen in la dhiso Guddiga Isku-dhafka ee Iskaashiga (JCC) si ay iskula meel dhigaan Fiisaha Lacag La’aanta “Free Visas”.

Tallaabadaasi ayaa loogu talagalay in ay Muwaadiniinta Labada dal ka maarmaan Fiisaha, dadaal lagu doonayo in lagu xoojiyo Ganacsiga iyo Maalgelinta.

Si kastaba ha ahaatee, Xilligan Muwaadiniinta Soomaalida iyo kuwa Kenyanka waxay bixiyaan 50 Dollar si ay u helaan Fiiso Dal-ku-galka, kaasi oo u oggolaanayo inay dadkooda soo booqdaan amaba Hawlo Ganacsi darteeda uga kala gudbaan Xuduudka

- Advertisement -

©Radio Dalsan

 

Latest stories