HomeWararUhuru Kenyatta oo ka baaqsaday Shirka Golaha Guud ee QM oo looga...

Uhuru Kenyatta oo ka baaqsaday Shirka Golaha Guud ee QM oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka baaqday Socdaal la qorsheeyey oo uu kaga qeyb lahaa Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM(The UN General Assembly ) oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga ku dhibaataysan Dalalka Caalamka. Ma cadda sababaha uu Uhuru Kenyatta uga laabtay qorshihii uu ka qeyb geli lahaa Shirweynayaashaasi oo ay ku madalsan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka baaqday Socdaal la qorsheeyey oo uu kaga qeyb lahaa Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM(The UN General Assembly ) oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga ku dhibaataysan Dalalka Caalamka.

Ma cadda sababaha uu Uhuru Kenyatta uga laabtay qorshihii uu ka qeyb geli lahaa Shirweynayaashaasi oo ay ku madalsan yihiin Hoggaamiyayaasha dalalka Caalamka, si ay Xal mideysan uga gaaraan dhibaatooyinka haysta Qaxootiga ku dac-daraysan Caalamka.

- Advertisement -

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa la sheegay inuu hoggaminayo Wafdiga Dowladda Kenya uga qeyb galayo SHirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM.

Baaqashadda Uhuru Kenyatta ee Shirkaasi  ayaa timid, iyadoo ay Beesha Caalamka ka soo horjeedaabn Qorshaha Dowladda Kenya ku xirayso bisha November Xeradda Qaxootiga Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka oo dhan.

Hay’addaa u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch  si kulul u cambaareeysay Siyaasadda Dowladda Kenya ee khasbaka loogu celinayo Qaxootiga Soomnaalida ee ku nool Xeryaha Kenya.

- Advertisement -

Warbixinta Human Rights Watch soo saartay Isbuucan ayaa lagu sheegay inuusan Nidaamka Dowladda Kenya ku celinayso Qaxootiga  Soomaalida ku jirta Xeradda Dhadhaab ahayn mid u dhigma Nidaamka Caalamiga.

Sidoo kale Human Rights Watch waxay ku eedeysay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR inay siiyaan Qaxootiga ku laabanayo Somalia warbixin qaldan oo ay Qaxootiga khatar kula kulmi karaan.

©Radio Dalsan

Latest stories