HomeWarar(SAWIRO): Maasha Allaah, Safiirka Britain u jooga Sacuudiga oo soo Islaamay, soona...

(SAWIRO): Maasha Allaah, Safiirka Britain u jooga Sacuudiga oo soo Islaamay, soona xajiyey !!!

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah dalka Sacuudiga, Ambassador Simon Collis ayaa qaatay Diinta Islaamka, isla markaana uu ka mid noqday Malaayiinta Xujeyda ee sannadkan gudanayso Waajibaadka Xaajka. Ambassador Simon Collis ayaa go’aansaday inuu soo islaamo, kadib, markii uu muddo 30 sanno ku dhex noolaa Mujtamac Muslimiin ah, isagoo markii ugu dambaysay ku noolaa dalka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah dalka Sacuudiga, Ambassador Simon Collis ayaa qaatay Diinta Islaamka, isla markaana uu ka mid noqday Malaayiinta Xujeyda ee sannadkan gudanayso Waajibaadka Xaajka.

Ambassador Simon Collis ayaa go’aansaday inuu soo islaamo, kadib, markii uu muddo 30 sanno ku dhex noolaa Mujtamac Muslimiin ah, isagoo markii ugu dambaysay ku noolaa dalka Syria tan iyo sannadkii 2012-kii, oo uu xumaaday Xiriirkii Diplomaasi ee Britain iyo Syria.

- Advertisement -

Ambassador Simon Collis waxaa Gudashadda Xajka ku wehlisay Xaaskiisa Huda Al-mujarkech oo u dhalatay dalka Syria.

Danjire Simon Collis waxa uu Barta uu ku leeyahay Twitterka soo dhigay  Sawirrada ay isaga iyo Xaaskiisa oo xiran Dharka Ixramka ku galeen Albaabka Weyn ee Dhismaha Qunsulliyadda Britain ku leeyihiin magaalladda Barakaysan ee Maka Al-mukarama ee dalka Sacuudiga.

Fowsiyah Al-bakar oo ka tirsan Jaamacadda The King Saud University ayaa Twitterka soo dhigtay: “Danjirihii ugu horreeyey ee British u jooga Sacuudiga oo toos u tegay Xajka, kadibna ka sheekeeyey Islaamka.

- Advertisement -

Simon Collis iyo Xaaskiisa Hud oo ku sugan Maka. Ilaaha mahad leh iyo Mr. Collis oo iyada ugu mahadceliyey Twitterka ”

 

فوزية البكر ‏@fawziah1  Sep 12

أول سفير بريطاني للمملكة يؤدي فريضة الحج بعد اسلامه:سيمون كوليز مع زوجته السيدة هدي في مكة. الحمدلله

1,052 retweets762 likes

 

Ambassador Simon Collis waxa uu ka mid ahaa 19,000 oo Xujeey Britishoo sannadkan soo gutay Waajibadka Xajka.

Sidoo kale, Danjiraha Simon Collis oo aabe u ah 5 carruurah waxa uu Xilka Safiirnimo ka soo qabtay dalalka Iraq, Syria iyo Qatr, iyadoo xilalka kale ee Diplomaasi Sare ka soo qabtay dalalka Imaaraadka Carabta, Yemen, India iyo Tunisia
Wargeyska Daily Mail ee k soo baxa magaalladda London oo Warbixin dheer ka qoray Danjiraha Britain ee soo Islaamay, soona xajiyey ayaa ku tilmaamay Ambassador Simon Collis inuu noqon karo Danjirihii ugu horreeyey ee British ah oo soo Islaamay.

Ninkii ugu horreeyey ee u dhashay dalka British ee soo islaamay  ayaa la orn jirey Abdullahi William Quilliam dabyaaqadii Qarnigii 19-aad.

 

simon-collis-1

kacbadda2

kacbada

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts