HomeWararKenya oo beenisay in la khasbo Qaxootiga Soomaalida ee ku laabanayo dalkooda...

Kenya oo beenisay in la khasbo Qaxootiga Soomaalida ee ku laabanayo dalkooda hooyo.:

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa beeniyey Warbixintii ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya lagu khasbayo inay dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo iyo inaysan Dowladda Kenya siinin Qaxootiga inay kala doortaan inay ku laabtaan dalkooda hooyo […]

- Advertisement -

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya, Karanja Kibicho ayaa beeniyey Warbixintii ay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya lagu khasbayo inay dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo iyo inaysan Dowladda Kenya siinin Qaxootiga inay kala doortaan inay ku laabtaan dalkooda hooyo iyo inay sii joogayaan Kenya.

Dowladda Kenya waxay bishii May ee sannadkan shaacisay in la xirayo Xeradda Dhadhaab oo hoy u ah in ka badan 330,000 oo Qaxooti u badan dad Soomaali ah.

- Advertisement -

Warbixinta Human Rights Watch ayaa lagu sheegay inay wareysteen 100 Qaxooti iyo Magangelyo-doon ku sugan Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo sheegay in loogu hanjabay inay Dowladda Kenya  masaafurin doonto, haddaysan ku laabanin dalkooda hooyo.

Hoggaamiyayaasha Bulshadda ee Xerada Dhadhaab ayaa u sheegay Human Rights Watch in Sarkaal ka socda Dowladda Kenya ay la kulmeen bishii July ee la soo dhaafay, kuna amray inay Qaxootiga sida ugu dhaqsaha badan ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Mid ka mid ah Odayaasha ayaa u sheegay Sarkaalka ka socda Dowladda Kenya inaysan Somalia nabad ahayn, laguna laaban Karin, balse uu Sarkaalku ku yiri: “Qaado qori oo difaac dalkaaga”.

- Advertisement -

Dhinaca lka;e. Afhayeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegay inay baarayaan Warbixinta Human Rights Watch, ka hor intaysan ka jawaab celin Eedeymaha loo soo jeediyey Xafiiska UNHCR ku leeyihiin dalka Kenya.

In ka badan 24,000 oo Qaxooti Somali ayaa la sheegay inay Somalia ku laabteen Tan iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii , sida ay sheegtay QM.

xerada-dhadhaab

 

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories