HomeWararFAALLO:- Muxuu ka turjumi karaa Shir Madaxeedka Urur-gobaleedka IGAD uga furmayo Muqdisho...

FAALLO:- Muxuu ka turjumi karaa Shir Madaxeedka Urur-gobaleedka IGAD uga furmayo Muqdisho ?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

 

Shirweynaha 35-aad ee Hoggaamiyayaasha Dowladaha IGAD ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalladda Muqdisho, xilli maalintii 5-aad aysan xiran yihiin inta badan Waddooyinka Muqdisho.

Hoggaamiyayaasha Somalia, Kenya, Djibouti, Uganda, Ethiopia iyo South Sudan ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan Shirkaasi, inkastoo uu Madaxweynaha Sudan, Cumar Xasan Albashiir sababo dhinaca Ammaankiisa uga baaqsaday inuu ka qeyb galo Shirkaasi iyadoo uu Ku-xigeenkiisa uga wakiil noqon doono Shirka Madaxda IGAD uga furmayo Muqdisho.

Ajendayaasha Madaxda IGAD ku lafa-guri doonaan Shirkooda halka maalin ah ayaa waxa ugu uhiisan Xaalladda Siyaasadeed ee dalka South Sudan Ammaanka Horumarinta iyo Doorahooyinka ka dhici doona dalka Somalia.

Shirka Madaxda IGAD ku yeelanayaan Muqdisho ayaa ah kii ugu horreeyey ee lagu qabto dalka Somalia tan iyo markii la asaasay Urur-gobaleedka IGAD sannadkii 1986-kii.

Shirweynaha Madaxda IGAD waxaa kaloo lagu lafa-guri doonaa dadaalka loogu jiro Qabsoomidda Doorashooyinka  ka dhici doonto Somalia ee lagu soo dooran doono Madaxweyne Cusub iyo Mudanayaasha Barlamaanka Cusub.

Hoggaamiyayaasha IGAD ayaa la dhacsan sida ay Dowladda Federalka Somalia uga shaqeeyeen Horumarinta Siyaasadda, Nabadda iyo Waxqabadka Hawlgalka ay hayaan 22,000 Askari ee qeybta ah Nabad-ilaalayaasha Afrikaanka ee AMISOM.

Inkastoo Ajendaha Madaxda IGAD ku jirin qoddobkaasi, haddana waxaa habboon inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud galaangal siyaasadeed u yeesho inuu Hoggaamiyayaasha IGAD u soo bandhigo arrinta Milkiyadda Xuduud-baddeedka ay Kenya sheeganayso, iyadoo la og yahay inay Makamadda Caalaiga ee Caddaaladda ee The International Court of Justice (ICJ) oo ku taalla magaalladda Hague ee dalka Netherlands (Holland).

Si kastaba ha ahaatee, Shir Madaxeedka IGAD ayaa lagu qiimeyn karaa heerka Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia, inkastoo aysan Madaxda IGAD ka weecanayaan in Xal Siyaasadeed loo helo Muranka Dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan Milkiyadda Xuduud-baddeedka iyo Soo-celinta 130-ka kun ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeradda Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Xerooyinka Qaxootiga ee Caalamka.

Markaynu isku soo duubno, Shir Madaxeedka IGAD waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu Xilli Kala-guur Siyaasadeed ka jiraan dalka Somalia, inkastoo laga digayo Dib-u-dhac ku yimaada Jadwalka Qorshaha Doorashadda Somalia iyo inay Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-goibaleedyadda ku fashilmeen Shirkii ay Toddobaadkan ku lahaayeen Muqdisho.    

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories