HomeWararICRC oo saadaalisay Xaalladda Aadamimo ee Somalia hagaagi doonto Doorashadda kadib.

ICRC oo saadaalisay Xaalladda Aadamimo ee Somalia hagaagi doonto Doorashadda kadib.

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Madaxa Hay’adda Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas ee Caalamiga (ICRC), Peter Maurer ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, wuxuuna ugu baaqay Beesga Caalamka inay wax ka qabtaan Xaalladaha Aadminimo ee ka jira dalalka Somaliaiyo Koonfurta Suudaan.

“Dadka Rayidka ku nool Somalia, waxay weli la daalla-dhacayaan Dhibaatooyinkii ka soo gaaray Colaadaha. Haatan ICRC waxay walaac xoogan ka muujinaysaa colaadaha sii socda” ayuu yiri Madaxa Hay’adda ICRC.

Waxa uu intaasi ku daray in Nabadgelyo la’aantaasi hoos u dhigtay sidii Taageerada Cuntada, Daawadda iyo Biyaha loo gaarsiin lahaa Barakacayaasha ku sugan qeybo badan oo ka mid ah  Somalia.

Madaxa ICRC waxa uu tilmaamay in 12-kii bilood ee la soo dhaafay soo hagaagttay  sidii Kaalmooyinka loo gaarsiin lahaa  Barakacayaasha ku nool dhowr Gobal oo hoos taga Maamulladda Jubbaland iyo Somalia.

Dhinaca kale,Madaxa Hay’adda Bisha Cas iyo Laanqeyrta as ee Caalamiga (ICRC),Peter Maurer waxa uu saadaaliyey inuu Somalia geli doonto Waa’ Cusub oo Nabad iyo Deganaansho marka ay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia dhacdo dabayaaqadda bisha October ee soo socota.

“Waxaan dhamaanteena rajeynaynaa in Colaadaha ka jira Somalia la xalin doono oo ay xaalladu soo hagaagayso” ayuu yuru usagoo rajeeyey inay Deganaansho Nololeed ka dhici doonto Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Caalamiga ee Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas “ICRC”  waxay 25-kii sanno ee la soo dhaafay Samafal Aadminimo soo gaarsiiyeen dadka ku dhibaataysnaa gudaha Somalia, gaar ahaan kuwa ku dhaawacmay Colaaha, Barakacayaasha iyo dadka ay Abaaruhu saameeyeen.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories