HomeWararDowladaha iyo Ururradda Caalamiga oo si wadajir u shaaciyey inay bixiyeen Kharajkii...

Dowladaha iyo Ururradda Caalamiga oo si wadajir u shaaciyey inay bixiyeen Kharajkii Doorashadda Somalia.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Hadal Qoraal oo ay si wadajir ah uga soo baxay QM, Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Ingriiska , Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii ambaqaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya. Warka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa […]

- Advertisement -

Hadal Qoraal oo ay si wadajir ah uga soo baxay QM, Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Ingriiska , Mareykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii ambaqaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Beesha Caalamka waxaa lagu xusay inay muhiim tahay in hore loo sii ambaqaado Howlaha Doorashooyinka Somalia, isla markaana aan lagu mashquulin waxyaabaha dib-u-dhac ku keeni kara Qabsooida Doorashooyinka.

- Advertisement -

Qoraalka ka soo baxay Beesha Caalamka waxa uu ugu baaqay  Madaxda Dowladda Somalia inay ilaaliyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay inay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

“Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

- Advertisement -

Michael Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay galeyso marxalad kala duwan, sidaas darteedna loo baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaado howlaha doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa sheegaty in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.

Qoraalkaasi laguma xusin tirada  Kharajka loo qoondeeyey Doorashadda Somalia, iyadoo Dowladda Federalka horey u soo bandhigtay Miisaaniyadda Lacagaha ku bixi doona Doorashooyinka oo lagu wado inay qabsoomaan Bishan Septeber iyo October.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories