HomeWararMadaxweynaha oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada Askartii ku geeriyootay qaraxii Hotel SYL

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay Salaada Janaasada Askartii ku geeriyootay qaraxii Hotel SYL

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeyb-galay salaadii Janaasada ciidmado ka tirsan ciimadda qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku shahiiday qaraxii shalay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa Allaah uga baryey inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan dadkii ku geeriyooday qaraxii shalay islamarkaana caafimaad deg deh ah siiyo dadka dhaawaca ah.

“Waxaan u tacsiyeynayaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan ehelladdii qarabadii dadkii shacabka iyo ciidamadda isugu jiray ee ku shahiiday qaraxii cadawgu ka geystay Muqdisho , Allah ha u naxariisto inta dhimatay kuwa dhaawaca ahna Allah ha caafiyo. Cadowga ummadda dhibaatadda la daba taagan ee sida naxariis daradda ah kula dhaqmaya, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed waa idin ka guuleysan doonaa “ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay daryeeleyso qoysaska ay ka tageen ciidamadda qaraxii shalay ku shahiiday iyaga oo difaacaya Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda islamarkaana ay bixineyso deymaha lagu leeyahay

AAS2

—Dhammaad–

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories