HomeWarar(SAWIRO): Ethiopia iyo Puntland oo iska kaashanayo La-dagaalanka Alshabaab.

(SAWIRO): Ethiopia iyo Puntland oo iska kaashanayo La-dagaalanka Alshabaab.

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Dowladda Ethiopia ayaa oggolaatay codsi uu Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas kaga dalbaday in Maamulkiisa laga taageero La-dagaalanka Alshabaab iyo in dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Waqooyiga Gaalkacayo lagu daaweeyo Isbitaalladda Ethiopia.

Madaxweyne Gaas oo maalmahan Booqasho ku joogay magaalladda Addis Abeba waxa uu Kulan la qaatay Wasiirka Difaaca Ethiopia, Siraajo Fergessa.

- Advertisement -

Labada Mas’uul waxay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka Puntland, Iskaashiga La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii ay Saraakiisha Ethiopia u tababari lahaayeen Ciiddanka Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland waxa uu magaalladda Addis Abeba kula kulmay Ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha iyo kuwa Afrikaan, isagoo ugu baaqay inay Maalgashi ku sameeyaan Puntland.

Madaxweyne Gaas waxa kale oo uu la kulmay dhigiisa Dowlad-gobaleedka Soomaalida Ethiopia, Abdi Mohamoud Omar iyo Madax kale oo ay isla eegeen Iskaashiga labada dhinac iyo Qoraal Qabyo oo la xiriira Ganacsiga iyo Canshuuraha ee Puntland iyo Ethiopia.

- Advertisement -

Si kastaba ha haatee, booqashadda uu C/weli Gaas ku tegay Ethiopia ayaa ku soo beegantay, kadib, markii ay Alshabaab falal Is-miidaamin ah ka geysteen Waqooyiga Gaalkacayo, laguna dilay in ka badan 30 qof.

ETHIO2 ETHIO3 ETHIO1 ETHIO

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories