HomeWararMadaxweynaha oo arrimaha horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya kala hadley madaxa...

Madaxweynaha oo arrimaha horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya kala hadley madaxa UNDP

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka. Madaxweynaha iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay Madaxa Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), Helen Clark, oo booqasho ku joogta dalka.

Madaxweynaha iyo madaxa UNDP waxay ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta ee dalka ka socda ee qeybta ka ah mashaariicda dib u soo kabashada Soomaaliya, arrimaha dhalinyarada, shaqo abuurka iyo sameynta xarumo dhalinyarada ay ka bartaan xirfadaha kala duwan.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, muhimadda kowaad ay siineyso baahinta adeegyada aasaasiga ee bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha , horumarinta xirfadaha dhalinyarada iyo nabadgelyada, loona baahan yahay in laga taageero .
“Waxyaabaha muhiimadda inoo leh waxaa ka mid ah inaan dhalinyarada siino fursado ay ku bartaan xirfado ay ku shaqeystaan, dhaqaalena ay ku sameysan karaan. Dagaalka aan kula jirno argagixisada Al Shabaab oo maraya marxalad gebagabo ah, ayaa waxaa lagama maarmaan ah inay barbar socdaan barnaamijyada dhaqan celinta, baahinta adeegyada aasaasiga ee dadku u baahan yihiin iyo in la jiheeyo dhalinyarada’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdiga ay ka wadahadleen arrimaha qabanqaabada doorashooyinka, qoondada haweenka ay ku leeyihiin goleyaasha qaranka iyo in la sii wado taageerada barnaamijyada horumarinta ee Soomaaliya.

Helen Clark, Madaxa UNDP ayaa Madaxweynaha iyo dowladda ku ammaanay horumarka muuqda ee laga sameeyay dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

so

IB0A8591
IB0A8603
IB0A8597
IB0A8607
IB0A8608

———————————–DHAMMAAD—————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts