HomeWararTaliyihii Ciiddanka Uganda ee Janaale oo lagu soo oogay dacwad ku xiriirsan...

Taliyihii Ciiddanka Uganda ee Janaale oo lagu soo oogay dacwad ku xiriirsan Askar lagu dilay Deegaankaas.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Kolonel Bosco Mutumbi oo 50 jir ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda Uganda ee Kampala, isagoo lagu eedeynayo inuu ku fashilmay inuu badbaadiyo qaar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Sarkaalkaasi oo ahaa Taliyihii Kooxda 12-aad ee Dagaalanta ee Uganda ayaa la sheegay inuu dayacay Waajibkiisa, isla markaana uu iska dhega tiray Digniin  ku aadanaa Weerarkii Alsshabaab  sannadkii hore ku qaadeen Xerada Ciiddanka Uganda ku lahaayeen Deegaanka Jannaale ee Gobalka Sh/hoose.

Gaashaanle Raphael Mugisho oo madax u ah Dacwad-oogayaasha qaadayso Dacwadaasi ayaa sheegay in Taliyahaasi wajahayo Labo Dembi oo kala ah inuu ku fashilmay mid ka mid ah Waajibaadkiisa horseeday Saraakiishii  lagu dilay Degaanka Janaale iyo inuu ku fashilmay inuu heegan buuxa geliyo  Ciiddanka.

Gaashaanle Raphael Mugisho waxa kale oo uu ku eedeeyey Kolonel Bosco Mutumbi ku fashilmay inuu taageero hub, rasaas iyo Xoojin siiyo Ciidanka Uganda ee ku sugnaa Jannaale, kuwaasi oo ay Alsshabaab weerar gaadmo ah ku qaaday bishii September 1-dii ee sannadkii hore.

Ciiddanka Uganda ee lagu dilay Weerarkii Jannaale ayaa lagu kala magacaabi jirey: Kolonel Etua Ondoma. Saddex Alifle Charles Outa, Saddex Alifle Charles Ojange, Saddex Alifle Eddy Kakaire, Saddex Alifle Abubakar Mugumya, Saddex Aliflr Emmanual Wanyama, Anfrew Engema, Phinius Ochowun, Issac Okidi Lotyang iyo Geoffrey Kintu.

©Radio Dalsan

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories