HomeWararRa’isul-wasaare  Cumar Cabdirashiid oo la kulmay  Xoghayaha Arrimaha Afrika ee UK

Ra’isul-wasaare  Cumar Cabdirashiid oo la kulmay  Xoghayaha Arrimaha Afrika ee UK

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016. Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa […]

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.

Ra’iisal wasaare Sharmaarke ayaa warbaxin ka siiyay xaalada dalka uumarayo wasiirka arrimaha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada UK ay siineyso dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerida dowladda.

- Advertisement -

“Xukuumadda Soomaaliya waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay hormuud ka tahay dadaalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay kulanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si amniga dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto xasilinta dalka islamarkaana UK ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

RW1 RW2

- Advertisement -

—–DHAMAAD¬—–

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories