HomeWararUhuru Kenyatta oo Faransiiska uga cawday Tallaabadda ay EU-da ku jareen Taageeradda...

Uhuru Kenyatta oo Faransiiska uga cawday Tallaabadda ay EU-da ku jareen Taageeradda Dhaqaale ee Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Marc Ayrault oo booqasho ku jooga Nairobi. Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku booriyey Dowladda Faransiiska inay Dowladiisa ku taageeraan dadaalka lagu xaqiijinayo Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi. Mar uu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Marc Ayrault oo booqasho ku jooga Nairobi.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu ku booriyey Dowladda Faransiiska inay Dowladiisa ku taageeraan dadaalka lagu xaqiijinayo Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi.

- Advertisement -

Mar uu ka hadlayey Arrimaha Somalia, waxa uu walaac xooggan ka muujiyey Tallaabadda ay Dowladaha Midowga Europe ku jareen Dhaqaalihii ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

“Waxaa jira baahi si wax badan looga qabto Deganaanshaha Somalia. Lamana joogo xilligii ay Saaxiibadeenna la laaban lahaayeen Taageeradooda” ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jean-Marc Ayrault waxa uu Dowladda Kenya ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan Soo-celinta Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalalka Somalia iyo Koonfurta Sudan.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu tilmaamay inay ka taageerayaan Kenya iyo dalalka la deriska ah  Dagaalka Alshabaab iyo dadaalka lagu xaqiijinayo Nabadda Gobalka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay inay Kenya u hayaan qiimo weyn, gaar ahaan Istaraatijiyadda, Dhaqaalaha, Diplomaasiyadda iyo Horumarinta Gobalka.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu Uhuru Kenyatta ku qanciyey inay Faransiiska taageerayaan Xaqiijinta sidii uu u sii wanaagsanaan lahaa Wada-shaqeynta u dhexeeysa Midowga Europe iyo Midowga Afrika ee Hawlaha Nabadda iyo Horumarka.

©Radio Dalsan

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts