HomeWararQM oo War ka soo saartay Muwaadin Somali oo magaciisa looga been...

QM oo War ka soo saartay Muwaadin Somali oo magaciisa looga been aabuurtay Is-qarxin ka dhacday Puntland

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Kooxda Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia and Eritrea) waxay ka laabteen Warbixintii sumadeedu ahaa (S/2014/726) ee ay soo saareen bishii October 13-dii ee sannadkii 2014-kii, kaasi oo ay kaga been abuurteen Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Zubeyr, kuna tilmaameen inuu ahaa Ninkii […]

- Advertisement -

Kooxda Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea (The Monitoring Group on Somalia and Eritrea) waxay ka laabteen Warbixintii sumadeedu ahaa (S/2014/726) ee ay soo saareen bishii October 13-dii ee sannadkii 2014-kii, kaasi oo ay kaga been abuurteen Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Zubeyr, kuna tilmaameen inuu ahaa Ninkii  bishii August 4-dii ee sannadkii 2014-kii isku qarxiyey Saldhigga Dhexe ee Boliska ee magaalladda Bosaaso.

Kooxda Baarayaasha QM ee Cunaqabataynta saaran dalalka Somalia iyo Eritrea waxay Warbixintooda qaldan ku soo bandhigeen Baasaboor uu lahaa Muwaadinka Soomaaliga ee ay kaga been abuurteen oo ay ku lifaaqeen xog-beenaad ay Shaqsiyaad isku sheega Suxufiyiin u gudbiyeen.

- Advertisement -

Baarayaasha QM waxay 2 sanno kadib garwaaqsadeen inay ka been sheegeen Muwaadinka Soomaalida ee ay ku tilmaameen inuu ahaa Ninkii isku qarxiyey magaalladda Bosaaso.

Sida lagu faafiyey Websaytka Khaaska ee QM ee www.un.org, waxay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM (The Security Council Committee) ka heleen Xiriiriyaha Kooxda QM ee Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea Warbixin cusub oo ay ku sheegeen inuusan Muwaadinka Soomaalida ee lagu magacaabo Mohamed Abukar Zubeyr ahayn ninkii geystay Is-qarxintii ka dhacday Bosaaso bishii August ee sannadkii 2014-kii.

13643947_1150008171688401_1105481689_n

Latest stories