HomeWararGudoomiyaha Shabeelaha Dhexe Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ku Xerneyd Jowhar (Sawirro)

Gudoomiyaha Shabeelaha Dhexe Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiis Ku Xerneyd Jowhar (Sawirro)

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha gobolka Shabeela dhexe ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd saldhiga Booliska magaalada Jowhar munaasabada ciidul Fitriga ee fooda nagu soo haysa awgeed. Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa booqday maanta saldhiga Booliska degmada Jowhar waxana uu soo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha gobolka Shabeela dhexe ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd saldhiga Booliska magaalada Jowhar munaasabada ciidul Fitriga ee fooda nagu soo haysa awgeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah  mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa booqday maanta saldhiga Booliska degmada Jowhar waxana uu soo saaray amarkan lagu cafinayo sagaal ka mid ah maxaabiista ku xiran saldhiga Jowhar kuwaas oo aan gelin dambiyo culculus.

- Advertisement -

Afhayeenka maamulka gobolka Shabeelaha dhexe, Daa’uud Xaaji Cirro, oo ka hadlay siideynta maxaabiistan ayaa sheegay in 9 maxbuus oo mid ka mid ah ay tahay haweeney loo fidiyay cafis si ay ula wadaagaan qoysaskooda ciid Al-Fitriga.

Maxaabiista cafiska loo fidiyay ayaa aad ugu farxay iyagoo u mahadceliyay maamulka gobolka Shabeelaha dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo aad u wanaagsan awgeed ayaanay jirin maxaabiis dambiyo culculus loo haysto hase yeeshee waxaa u badan dadka isku haysta lacago la kala amaahday iyo khilaaf dhinaca qoyska u badan.

- Advertisement -

jowhar-cafis-1jowhar-cafis-2jowhar-cafis-3jowhar-cafis-4jowhar-cafis-5

jowhar-cafis-6

Latest stories