HomeWararDabaal Degga Xuska 1-luulyo oo xalay ka dhacday Muqdisho (Sawirro)

Dabaal Degga Xuska 1-luulyo oo xalay ka dhacday Muqdisho (Sawirro)

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Muqdisho ayaa xalay si qurux badan looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay Markii Goballada Koofur 1 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israaciil Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur. Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, ayaa waxaa ka qeybgalay, Boqollaal Dadweyne ah, ururada Bulshada, […]

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa xalay si qurux badan looga dabaal dagay xuska Sanadguurada 56-aad ee ka soo wareegay Markii Goballada Koofur 1 July 1960-Kii, ay ka xoroobeen gumeystihii Talyaaniga, Islamarkaana ku asteysan Israaciil Labada Gobol ee Waqooyi iyo Koofur.

Munaasibadda oo ka dhacday Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar, ayaa waxaa ka qeybgalay, Boqollaal Dadweyne ah, ururada Bulshada, maamullada Degmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xubno ka tirsan Labada Gole ee Dowladda, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

- Advertisement -

Munaasibadda waxaa Qudbado ku saabsan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee loo soo maray Xorriyadda Soomaaliya waxaa ka jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Ku Xigeenka R,wasaaraha, Wasiirka Warfaafinta iyo Duqa Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed inay gacmaha isqabsadaan, islamarkaana aysan hilmaamin dhibkii loo soo maray xornimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlaayay magaca guddiga qaban qaabada xuska 1-da luulyo ayaa sheegay inay ku guuleysteen in gobolada dalka iyo caasimada si isku mid ah ay uga dhacaan munaasabadaha xoriyadda.

- Advertisement -

Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay midnimada leedahay iyo sida loogu baahan yahay in Soomaalida oo dhan ay uga wada shaqeeyaan mudnimada Ummadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aadan xuska 1-da Luulyo u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan .

IMG_3117IMG_3141IMG_3146IMG_3150IMG_3151IMG_3155IMG_3158IMG_3162IMG_3163IMG_3170IMG_3187IMG_3192IMG_3199IMG_3202IMG_3203IMG_3204IMG_3222IMG_3227IMG_3230IMG_3240IMG_3248IMG_3254IMG_3256IMG_3264IMG_3266IMG_3267IMG_3268IMG_3272IMG_3273IMG_3274IMG_3278IMG_3280IMG_3289IMG_3290IMG_3292IMG_3294IMG_3298IMG_3302IMG_3303IMG_3304IMG_3306IMG_3308IMG_3313IMG_3315IMG_3317IMG_3318IMG_3322IMG_3328IMG_3330IMG_3331IMG_3334IMG_3338IMG_3344IMG_3346IMG_3349IMG_3353IMG_3357IMG_3361IMG_3362IMG_3364IMG_3372IMG_3373IMG_3376IMG_3381IMG_3384IMG_3385IMG_3386IMG_3387IMG_3389IMG_3393IMG_3394IMG_3396IMG_3397IMG_3399IMG_3403IMG_3405IMG_3408IMG_3411IMG_3414IMG_3417IMG_3420IMG_3423IMG_3425IMG_3430IMG_3431IMG_3451IMG_3459IMG_3466IMG_3476IMG_3480IMG_3482IMG_3491IMG_3502IMG_3503IMG_3515IMG_3517IMG_3519IMG_3521IMG_3522IMG_3530IMG_3532IMG_3541IMG_3543IMG_3545IMG_3551IMG_3553IMG_3556IMG_3560IMG_3574

Latest stories