HomeWararDhegeyso: Afar ruux oo qaarkood loogu galay guryahooda oo lagu dilay degmada...

Dhegeyso: Afar ruux oo qaarkood loogu galay guryahooda oo lagu dilay degmada Afgooye.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Dadka la dilay waxaa kamid ahaa nabadoon degmada can ka ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Carabeey iyo ilmo seddex jir ah, waxaana la ogeyn sababta dilkaasi loo geystay iyo cida ka dambeysay. Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ee Maamulka Koonfur Galkeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax, oo Radio Dalsan la hadlay ayaa sheegay in ay baaritaano […]

- Advertisement -

Dadka la dilay waxaa kamid ahaa nabadoon degmada can ka ahaa oo magaciisa lagu soo koobay Carabeey iyo ilmo seddex jir ah, waxaana la ogeyn sababta dilkaasi loo geystay iyo cida ka dambeysay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ee Maamulka Koonfur Galkeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax, oo Radio Dalsan la hadlay ayaa sheegay in ay baaritaano ku wadaan kooxihii dilkaasi geystay.

- Advertisement -

Sidoo kale Qoys ka kooban nin oday ah, wiil uu dhalay iyo ilmo yar oo uu awoowe uu u ahaa ayaa uu sheegay Gudoomiyaha in gurigooda loogu galay laguna dilay.

Dilalka ka dhacay xalay degamada Afgooye, ayaa waxaa ay noqonayaan Afar ruux, oo siyaabooyin kala duwan loo dilay, iyadoona aan laga war qabin cida ka dambeysa dilalkaasi.

Mr, Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa waxaa uu sheegay in ay wadaan baaritaano xoog badan oo ay ku ogaanayaan cida ka dambeeysa dilalkaasi.

- Advertisement -

Ma ahan markii ugu horeysay oo dilal noocaan oo kale ay ka dhacaan Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana dhowr bilood ka hor deegaan hoos taga Magaaladda Marka lagu gubay tiro carruur ah iyo Ayeeyadooda.

dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose ee Maamulka Koonfur Galkeed Soomaaliya Ibraahim Aadan Cali Najax, waxaa uu sheegay in degamadda Afgooye ay kamid tahay deegaanka ugu nabdoon Gobolka Shabeelada Hoose.

Halkaan ka dhegeyso:  Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ee Maamulka Koonfur Galkeed Soomaaliya, Ibraahim Aadan Cali Najax.

Latest stories