HomeWararAfhayeenka AMISOM oo xaqiijiyay in la musafurinayo ciidamadii AMISOM ee Muqdisho lagu...

Afhayeenka AMISOM oo xaqiijiyay in la musafurinayo ciidamadii AMISOM ee Muqdisho lagu xiray

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Gaashanle dhexe Joe Kibet ayaa sheegay in 5 askari oo AMISOM ka tirsan dalalkooda loo musaafurin doono si loogu soo maxkamadeeyo kadib markii lagu helay xatooyo. Joe Kibet ayaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Dalsan siiyay in AMISOM ay gacan ka geystay xariga askar lagu helay iney si sharci daro ah […]

- Advertisement -

Afhayeenka ciidamada AMISOM Gaashanle dhexe Joe Kibet ayaa sheegay in 5 askari oo AMISOM ka tirsan dalalkooda loo musaafurin doono si loogu soo maxkamadeeyo kadib markii lagu helay xatooyo.

Joe Kibet ayaa ku sheegay wareysi gaar ah oo uu Dalsan siiyay in AMISOM ay gacan ka geystay xariga askar lagu helay iney si sharci daro ah ku iibinayen qalab militari iyo shidaal loogu talo galay howlgalka AMISOM.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in askartan weli baaritaan lagu hayo dhalashooda balse waxa uu sheegay in dowlada iyo AMISOM ay hore u kala saxiixden heshiis dhigaya in askarta AMISOM lagu soo maxkamadeeyo dalalkii ay ka yimaaden haddii dambiyo lagu helo.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan xiray ugu yaraan 15 askari oo isugu jiray 5 AMISOM ka tirsanaa iyo 10 Soomaali ah oo ka ganacsanayay qalabka AMISOM oo ka koobnaa agab militari iyo shidaal howlgalkasi loogu talo galay.

Dowlada Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ayaa si wada jir ah u xaqiijiyay dambiga lagu helay askartan,waxayna sheegen in dhamaan cadaalada la hor geyn doono.

- Advertisement -

Halkan ka dhageyso: Wareysiga oo Tarjuman:-

Latest stories