HomeWararMadaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka Hotel Ambassador

Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyay weerarka Hotel Ambassador

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada. Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii caawa ku shahiiday weerar argagixiso […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warsaxaafadeed: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii caawa ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dhirbaaxooyin kulul ku dhufteen argagixisada, iyagoo weliba ku guuleystey inay dilaan qaar ka mid ah horjoogeyaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka Soomaaliya iyo dalalka deriska.
“Waxaa weerarkani ay kooxaha naf la caariga ah la beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan ay muujinayaan guuldarrooyinka isdaba-joogga ah ee ku habsadey. Waxaa nasiib wanaag ah in shacabka, dowladda iyo ciidammada amniga ay si wadajir ah isaga kaashanayaan dagaalka lagula jiro cadowga. Waxaana weeraradan waxashnimo ee argagixisada ujeeddada laga leeyahay ay tahay in gu cabsi geliyo shacabka si aanay u taageerin dowladnimada iyo nabadda, taasina waa wax aan dhici karin’’.

Madaxweynaha ayaa ammaan u jeediyay ciidanka dowladda sida degdegga ah ee ay uga jawaabeen weerarka argagixisada ay caawa ka fuliyeen caasimadda.

Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Ilaahay uga baryey dadkii ku shahiiday weerarkan inuu Ilaahay naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, intii ku dhaawacantey uu caafimaad buuxa siiyo, qoysaska iyo eheladii dadkooda ay ku waxyeeloobeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

- Advertisement -

Dhamaad.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

As Justin Davis Leaves Mogadishu, Washington Is Asking a Different Question About Somalia

As Justin Davis concludes his tenure as Chargé d’Affaires at the United States Embassy in Mogadishu, he leaves at...

Journalist Dies from Gunshot Injuries, NUSOJ Demands Justice and Accountability

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply saddened by the death of Bashir Mohamed Abdullahi, a reporter...

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel and the Two Mothers: The Truth Behind the Story

Daniel and the two mothers: what is true, what is unconfirmed?

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Italy Expands Police Training Support for Somalia

Talyaaniga ayaa Muqdisho ku shaaciyay qorshe lagu xoojinayo iskaashiga amni ee Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo tababarka booliiska, dhismaha hay’adaha amniga iyo ka hortagga xagjirnimada.

Türkiye pledges continued security and economic support for Somalia

Danjiraha Turkiga Alper Aktaş oo ka hadlaya Shirweynaha Qaran ee Amniga Gudaha ee Muqdisho

Somalia Sets September 30 for Galmudug, Hirshabelle Elections

The elections hold broader significance for Somalia's political stability. Federal member state elections are crucial for establishing legitimate regional administrations that can partner with the federal government on security, development, and constitutional reform. Any delays or disputes could undermine progress toward the national elections scheduled for 2027. Both elections will proceed simultaneously on September 30, with results expected shortly thereafter.

SNA brobes video of soldiers suffocating bound Al-Shabaab suspect

Somalia's military opened a preliminary investigation on Tuesday after a video circulated online appeared to show members of the...

Follow us

[td_block_social_counter facebook="tagdiv" manual_count_facebook="26400" twitter="tagdivofficial" manual_count_twitter="7500" youtube="tagdiv" style="style6 td-social-boxed" tdc_css="eyJwb3J0cmFpdCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiMjAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBvcnRyYWl0X21heF93aWR0aCI6MTAxOCwicG9ydHJhaXRfbWluX3dpZHRoIjo3NjgsImFsbCI6eyJtYXJnaW4tYm90dG9tIjoiNDAiLCJkaXNwbGF5IjoiIn0sInBob25lIjp7ImRpc3BsYXkiOiIifSwicGhvbmVfbWF4X3dpZHRoIjo3Njd9" f_counters_font_family="global-font-2_global" f_network_font_family="global-font-2_global" f_btn_font_family="global-font-2_global" f_counters_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTIifQ==" f_network_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTEiLCJsYW5kc2NhcGUiOiIxMSJ9" f_btn_font_size="eyJhbGwiOiIxMyIsInBvcnRyYWl0IjoiMTEifQ=="]

Popular

spot_img

Popular Categories