HomeWararDEG DEG: Diyaaradii Masar oo la xaqiijiyay iney burburtay

DEG DEG: Diyaaradii Masar oo la xaqiijiyay iney burburtay

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wakaalada Wararka Mareykanka Ee AP ayaa soo qortay in saraakiisha Dhinaca hawada ee dalka Masar ay xaqiijiyen iney burburtay diyaaradii Egyptair ee ka soo duushay magaalada Paris kuna socotay Qaahira.

Saraakiil diiday in magacyadooda la shaaciyo ayaa u sheegay AP in suurtagalnimada iney diyaarada burburtay imminka la xaqiijiyay,iyaga sababta ku sheegay in diyaarada aysan ku degan dhamaan garoomada ku dhawaa halka cilada ay ku qabsatay.

Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manuel Valls waxa uu sheegay iney diyaar u yihiin iney ka qeyb qaatan howlgalka lagu raadinayo diyaarada maqan haddii Masar ay ka codsato.

Sido kale Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande waxa uu taleefonka kula hadlay dhigiisa Masar Cabdi Fataax Al Sisi,waxa ayna isku raacen iney si dhaw uga wada shaqeeyan arinta Diyaarada la waayay.

Diyaarada waxa saarnaa 30 Masaari ah,15 Faransiis ah,2 Ciraaq ah iyo hal hal muwaadin oo ka soo jeeda dalalka Ingiriiska,Sacuudiga,Bortuqiiska,Aljeeriya,Belgium,Canada,Chad,Kuwait iyo Sudan.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories