HomeWararMadaxweynaha: ''Baarlamaanka Federaalka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016''

Madaxweynaha: ”Baarlamaanka Federaalka ha dardar geliyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016”

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baarlamaanka Federaalka, ugu baaqay in iyadoo la eegayo waqtiga yar ee harsan loo baahan yahay in la fududeeyo meel marinta hannaanka doorashada sannadka 2016.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay kulan gaar ah oo uu  la qaatay Guddiga Baarlamaanka Federaalka ugu qaabilsan hannaanka doorashada.

“Baarlamaanka waa aasaaska dowladnimadeena, sidaa darteed markii madaxda dowladda dhexe iyo madaxda maamulada ay isku soo raaceen hannaanka doorasho, waxaa lagama maarmaan noqotey sida sharcigu qabo, in idinkuna aad talo ka dhiibataan, ugu dambeyntiina aad ansixisaan si loo helo hannaan sharciyad dhammeystiran leh. Waxa aan mar walba adeegsaneynaa oo dowladnimadeena ay ku dhisan tahay nidaamka wadatashi iyo wax isla oggolka”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha sidoo kale xusay baahida loo qabo dhismaha dhaqan dowladeed hufan oo daboolaya rabitaanka shacabka, lana dhowro waqtiga jiritaanka goleyaasha qaran sida uu dastuurka dhigayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku guda jirto dhismaheeda hay’adaheeda dowliga, lagama maarmaanna ay tahay in laga wada shaqeeyo si loo helo caddaalad, nabad iyo horumar.

Kulankan gaarka ah ayaa waxaa sidoo kale ka hadley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari.
Guddiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee hannaanka doorashada ayaa loo xilsaaray inay ka soo talo bixiyaan hannaanka doorashada dalka, kadibna ay xubnaha kale ee Baarlamaanka la qeybsadaan. Waxaa dukumentiga heshiiska hannaanka doorashada loo gudbiyay Baarlamaanka bishii April 30-keeda.

————-DHAMMAAD———–

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@hotmail.com
www.villasomalia.gov.so

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories