HomeWararCiiddanka Kenya oo sheegtay inay dileen rag lala xiriirinayo Alshabaab.

Ciiddanka Kenya oo sheegtay inay dileen rag lala xiriirinayo Alshabaab.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxa Isku-dhafka Boliska iyo Milliteriga Kenya ee Hawlgalka Kaymaha Boni, James Ole Serian ayaa sheegay inay dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 36 kale, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalkaasi oo socda muddo 9 bilood ah. Isagoo la hadlayey Wakaalladad Wararka ee REUTERS, wxa uu intaasi ku daray inay […]

- Advertisement -

Madaxa Isku-dhafka Boliska iyo Milliteriga Kenya ee Hawlgalka Kaymaha Boni, James Ole Serian ayaa sheegay inay dileen 10-dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab, isla markaana ay gacanta ku dhigeen 36 kale, tan iyo markii ay bilaabeen hawlgalkaasi oo socda muddo 9 bilood ah.

Isagoo la hadlayey Wakaalladad Wararka ee REUTERS, wxa uu intaasi ku daray inay cagta mariyeen dhufeysyadii ay Alshabaab ku lahaayeen Kaymaha Boni oo uu tilmaamay inay ka weerari jireen Ciiddanka Kenya ee loo diray gudaha Somalia.

- Advertisement -

“Waxaan Saldhig Joogto ah ka samaysanay Kaymaha Foresy, si ay Boliska iyo Ciiddanka ugu adeegsadaan xoojinta Ammaanka” ayuu yiri James Ole Serian, wuxuuna xusay inay Ciiddanka toogteen 10 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab. Kadib, markii ay diideen inay is-dhiibaan, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

Latest stories