HomeWararUganda: "Calanka Gaduudan ayaa sare u qaadnay oo aan ugu soo horjeedno...

Uganda: “Calanka Gaduudan ayaa sare u qaadnay oo aan ugu soo horjeedno Dhaqaale-dhimista EU-da ee Hawlgalka AMISOM”.

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni oo dhawaan ka qeyb galay Sannad-guuradii 66-aad ee Aasaaska Ururka Midowga Europe ayaa mar kale ka shanqariyey inay EU-da dib u eegaan go’aanka ay ku dhimeen Kharajka la siiyo Hawlgalka AMISOM. Madaxweyne Museveni oo Kulan Khaas ah la yeeshay Wakiilka EU-da u jooga Uganda, Kristian Schmidt waxay si gaar ah uga […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni oo dhawaan ka qeyb galay Sannad-guuradii 66-aad ee Aasaaska Ururka Midowga Europe ayaa mar kale ka shanqariyey inay EU-da dib u eegaan go’aanka ay ku dhimeen Kharajka la siiyo Hawlgalka AMISOM.

Madaxweyne Museveni oo Kulan Khaas ah la yeeshay Wakiilka EU-da u jooga Uganda, Kristian Schmidt waxay si gaar ah uga hadleen Doorashaddii Uganda ee uu ku guuleystay Museveni iyo Hawlaha Horumarinta ee ay EU-da ka horgeliyaan dalkaasi.

- Advertisement -

Wakiilka EU-da u jooga Uganda, Kristian Schmidt waxa uu ugu baaqay Hoggaamiyayaasha Uganda, Xisbiyadda Siyaasadda iyo Bulshadad Rayidka inay si wadajir isugu yimaadaan, kuna heshiiyaan marka ugu horreyso Danaha Qaranka Uganda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda, Sam Kutesa oo ka hadlay Munaasabadaasi ayaa kor u qaaday Calan Casaan ah, oo uu ku muujiyey sida ay uga soo horjeedaan qorshihii EU-da ku dhimeen Taageeradda Dhaqaalaha ee ay siiyaan Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray in Dhaqaale-dhimista lagu soo beegay xilligan oo ay si xawli ah ku xocdaan Dadaalka Nabadda ee Somalia, isla markaana ay Dadka Soomaalida u diyaar garoobayaan sidii ay u yeelan lahaayeen Dowlad cusub.

- Advertisement -

Dowladda Uganda waxaa walaac xooggan ku haya Qiimo-dhimista EU-da ee Hawlgalka AMISOM, iyadoo ay in ka badan 6,000 oo Askar u dhalatay dalka Uganda qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM.

Hawlgalka Nabadda ee Somalia waxaa taageera Midowga Europe, Maraykanka iyo QM, iyadoo ay Hawlgalka AMISOM qeyb ka yihiin Ciiddamo ka kala socda dalalka Uganda, Jabuti, Kenya, Ethiopia iyo Burundi.

©Radio Dalsan

Latest stories