HomeWarar(SAWIRO): Taageerayaasha Isbahaysiga CORD oo dibadbax rabshadaysan ka dhigay Bartamaha Nairobi.

(SAWIRO): Taageerayaasha Isbahaysiga CORD oo dibadbax rabshadaysan ka dhigay Bartamaha Nairobi.

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Ciiddanka Boliska Kenya waxay suntan dadka ka ilmeysiisa iyo Biyaha laga tuuro Booyadaha u adeegsadeen si ay u kala cayriyaan Taageerayaasha Isbahaysiga CORD oo iyagu dhigay dibadbax ka hor dhigay Xafiisyadda Guddiga Doorashooyinka (IEBC) ku leeyihiin magaalladda Nairobi. Hoggaamiyayaasha Mucaaraka ee kala ah Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetang’ula ayaa si wadajir ah u […]

- Advertisement -

Ciiddanka Boliska Kenya waxay suntan dadka ka ilmeysiisa iyo Biyaha laga tuuro Booyadaha u adeegsadeen si ay u kala cayriyaan Taageerayaasha Isbahaysiga CORD oo iyagu dhigay dibadbax ka hor dhigay Xafiisyadda Guddiga Doorashooyinka (IEBC) ku leeyihiin magaalladda Nairobi.

Hoggaamiyayaasha Mucaaraka ee kala ah Raila Odinga, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetang’ula ayaa si wadajir ah u soo abaabulay, oo horkacayey  dibadbaxa ay  Taageerayaashooda dibadbax ka dhigeen Waddooyinka Nairobi.

- Advertisement -

Saraakiil iyo Ciiddamo Bolis oo fara badan ayaa la dhigay Dhismaha Tawarka Anniversary Towers oo uu ku yaalla Xafiiska Dhexe ee Guddiga Doorashooyinka IEBC.

Kalonzo Musyoka oo la hadkay Dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay halkan u joogaan inay Guddiga Doorashooyinka u sheegaan inay waajib tahay inay iska baxaan.

“Waxaan halkan u joognaa si nabad ah, waxaana Boliska ka codsanaynaa inaysan nagu soo tuurin sunta dadka ka ilmeysiisa” ayuu yiri Kalonzo Musyoka oo ku eedeeyey Guddiga Doorashadda inay qorsheynayaan inay xadaan doorashooyinka sanbadka soo socda.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in Isbahaysiga Jubilee ee Talada haya qoranayaan dadka ay da’dooda ka yar tahay 18-sanno Deegaanadda ay ku xooggan, isla markaana la siiyey dadkaasi Waraaqaha Aqoonsiga ee ID CARDS ee u oggolaanayo inay isku diiwaan geliyaan sidii Cod-bixiyayaal oo kale.

Guddoomiyaha Dhaqdhaqaaqa ODM, Raila Odimga waxa uu isagana u sheegay dadka Kneyaanka iyo Calaamka oo dhan inaysan Isbahaysiga CORD ahayn Koox Dembiilayaal ah.

Waxa uu intaasi ku daray inay yihiin dad nabadda jecel iyo inay si nabadgelyo leh u dibad-baxayaan.

Waxa uu Maamulka Jubilee ku eedeeyey inay dileen Ganacsade Jacob Juma, oo isagu si kulul u naqdin jirey Maamul-xumida iyo Lacagaha la dhacay.

Wuxuuna dilkaasi ku eedeeyey inay Ciiddanka Khaaska ee “The Flying Squad geysteen dilkaasi, kuna tilmaamay dil-siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, xaalladda magaalladda Nairobi waxay haatan tahay mid deggan, iyadoo ay Taageerayaasha Mucaaradka ku kala tageen fagaaraha Xafiisyadda Guddiga Doorashooyinka Madaxa Bannaan ee IEBC.

Cord supporters during protests against the IEBC in Nairob. Photo/JUSTS OCHIENG

dibadbax5 DIBADBAX3 DIBADBAX2 DIBADBAX1

 

©Radio Dalsan

Latest stories