HomeWararMadaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo wafdi ka socda Mareykanka kala hadley arrimaha...

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wafdi ka socda Mareykanka kala hadley arrimaha doorashooyinka 2016 iyo amniga

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Muqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton. Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, […]

- Advertisement -

Muqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi ka socday dowladda Mareykanka oo uu horkacayey Madaxa arrimaha Africa ee xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga doorashooyinka 2016, arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro argagixisada iyo xiriirka labada dal.

- Advertisement -

Wafdiga Mr Wharton oo ay ka mid ahaayeen saraakiil ka tirsan xafiiska safaaradda mareykanka ee arrimaha Soomaaliya , ayaa soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso, iyagoo si gaar ah xusay doorashooyinka sannadkan dhacaya oo ay ku tilmaamen kuwo muhiim u ah xasiloonida dalka iyo tan gobolka.

Mr Wharton ayaa sheegay in Mareykanka uu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya, isla ma markaana taageeradaasi sii socon doonto ilamaa ay Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagto.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale wafdiga Mareykanka Kala hadley dib u dhiska iyo isku dhafka ciidammada Soomaaliya, iyo weliba sida dowladda Federaalka ay uga go’an tahay in bisha August ay Soomaaliya yeelato baarlamaan cusub, haatanna baarlamaanka uu ka shaqeynayo sharciyadda nidaamka doorashooyinka ee 2016.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa Mareykanka uga mahad celiyay taageerada iyo iskaashiga wanaagsan ee ay Soomaaliya la leedahay.

IB0A2325IB0A2320IB0A2327

——————–DHAMMAAD—————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories