HomeWararMadaxweynaha dalka Turkiga oo booqasho ku imaan doona Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga oo booqasho ku imaan doona Soomaaliya

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga oo uu ka mid yahay, xoghaye ku xigeenka ka hoos shaqeeya Wasaaradda Arimaha dibada dalka Turkiga, ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu booqan doono bilaha soo socda, wadamo ka mid ah kuwa bariga Qaaradda Africa oo ay mid yihiin Kenya iyo Soomaaliya. Booqashadda ayaa […]

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga oo uu ka mid yahay, xoghaye ku xigeenka ka hoos shaqeeya Wasaaradda Arimaha dibada dalka Turkiga, ayaa waxaa ay xaqiijiyeen in Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, uu booqan doono bilaha soo socda, wadamo ka mid ah kuwa bariga Qaaradda Africa oo ay mid yihiin Kenya iyo Soomaaliya.

Booqashadda ayaa waxaa la qorsheeyay horaantii sandkaan 2016.

- Advertisement -

“ Ma uusan baajinin, waxaa aan qorsheyneynaa in aan safar ku tago wadamada Bariga Qaaradda Africa, bilaha soo socda.

Waxaana wadamada aan tagi doono kamid ah dalka kenya,waxaa kaloo aan isku dayi doonaa, in aan tagno saddex dal oo ay kamid tahay  Soomaaliya ayuu yiri ku xigeenka xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Ali Kemal Ayd, oo Wareysi siiyay wargeyska  The Standard ee dalka Kenya.

Dowlada Turkiga waxaa ay kamid tahay wadamada 16 dal ah, ee ugu dhaqaalaha badan Aduunka. Waxaa ay kobac wanaagsan ay ku sameyneysaa dhaqaalaha Qaaradda Africa tan iyo sandkii 2005.

- Advertisement -

Sidoo kale dowladda Turkiga, waxaa ay Qaaradda Africa ay ku leedahay Safaarado badan, waxaana Soomaaliya gaar ahaan Magaaladda Mogadishu, ay dhawaan ka dhistay Safaarada cusub oo noqotay mida ugu balaaran.

Xiriirka soomaaliya iyo Turkiga, ayaa hadda aad u dhalaalaya, waxaa dowladda Turkiga ay soomaaliya ka taageertaa dhinacyo baddna, waxaana ay ka qey qaadataa dhismaha ciidaamada, iyo dhinacyadda waxbarashada.

Latest stories