HomeWararMidowga Europe oo difaacay go’aanta ay ku dhimeen Kharajka ay siiyaan Hawlgalka...

Midowga Europe oo difaacay go’aanta ay ku dhimeen Kharajka ay siiyaan Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone ayaa difaacay go’aanka lagu jaray 20% Kharajkii la siin jirey Hawlgalka AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ku wargeliyeen qorshahaasi muddo haatan laga joogo in ka badan hal sanno. Sannad kasta, Dowladaha EU-da waxay sannad kasta Hawlgalka AMISOM ku taageeri jireen 200 million […]

- Advertisement -
- Advertisement -

EU delegation Ambassador to Somalia Michele Cevvone during an interview in Mogadishu Somalia on Monday. Photo/Monicah MwangiDanjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone ayaa difaacay go’aanka lagu jaray 20% Kharajkii la siin jirey Hawlgalka AMISOM, wuxuuna tilmaamay inay Ururka Midowga Afrika iyo AMISOM ku wargeliyeen qorshahaasi muddo haatan laga joogo in ka badan hal sanno.

Sannad kasta, Dowladaha EU-da waxay sannad kasta Hawlgalka AMISOM ku taageeri jireen 200 million oo Dollar, inkastoo Kharajkaasi la dhimay 20% wixii ka bilowday bishii Janaayo ee sannadkan.

- Advertisement -

Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, waxa uu tilmaamay inaan Kharajka la dhimay loo fasiri Karin inay EU-da xagal-daacinayso Hadafka laga lahaa Hawlgalka AMISOM, isla markaana aan la dareemin kharajka laga jaray AMISOM.

“Iskaashigeenna weli waa wanaagsan yahay. Waxaana naga go’an inaan taageerno AMISOM iyo in lala dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Danjiraha Ururka Midowga Europe u jooga Somalia, Michele Chevvone.

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in Wada-xaajood ballaaran laga yeesho Dagaalka Alshabaab, wuxuuna ku booriyey Dowladaha taageera Hawlgalak AMISOM inay taageero ka geystaan Horumarinta Ciiddanka Somalia.

- Advertisement -

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo waxa uu carrabka ku dhuftay in dalka Somalia u baahan yahay in la dhiso Ciiddanka Qaranka si ay u gutaan waajibaadkooda.

“Waan og nahay inaan weli laga guuleysanin Alshabaab, waana taageersanahay Hawlgalka, balse waxaa jira Hawlgalo kale oo aan taageerno” ayuu yiri Danjiraha EU-da u jooga Somalia.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts