HomeWararBoqolaal Askar Ugandese oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM oo dib ugu...

Boqolaal Askar Ugandese oo qeyb ka ahaa Hawlgalka AMISOM oo dib ugu laabtay dalkooda.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ciiddankaasi oo ahaa  Kooxda 15-aad ee Ciiddanka Dagaalka waxay soo dhamaysteen Hawlgal ay muddo hal sanno ah ku joogeen Somalia, iyagoo qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM. Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Edward Katumba ayaa soo dhaweeyey Ciiddankaasi oo tiradoodu dhan tahay 1,800 Askari. Jeneral Katumba Wamala waxa uu Ciiddankaasi ku booqday Dugsiga […]

- Advertisement -

Ciiddankaasi oo ahaa  Kooxda 15-aad ee Ciiddanka Dagaalka waxay soo dhamaysteen Hawlgal ay muddo hal sanno ah ku joogeen Somalia, iyagoo qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka Difaaca Uganda, Jeneral Edward Katumba ayaa soo dhaweeyey Ciiddankaasi oo tiradoodu dhan tahay 1,800 Askari.

- Advertisement -

Updf1 703x422Jeneral Katumba Wamala waxa uu Ciiddankaasi ku booqday Dugsiga Tababarka Milliteriga ee Singo Millitary Training School.

Dhinaca kale, Barlamaanka dalka Uganda ayaa ugu baaqay Xukuumadda Uganda inay Midowga Europe kala hadlaan mushaar-dhimista lagu sameeyey Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka Uganda waxay sheegeen inaysan isku dhigmin Mushaarka Ciiddankooda ka tirsan AMISOM la siiyo iyo Khatarta ay kala kulmaan Somalia.

- Advertisement -

Xildhibaanadda Uganda waxay Xukuumadda Uganda u qabteen muddo 3 bilood ah inay Warbixin ka keenaan macaashka dhaqaalaha ee uu dalka ka helo doorka Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM iyo inay Xukuumadda Uganda dib u eegto Shuruudaha la xiriira Hawlgalladda AMISOM.

Dhinaca kale, Ururka Midowga Europe waxay bishii Janaayo ku dhawaaqeen inay 20% jareen Kharajka Mushaarka Ciiddanka AMISOM, taasi oo la micno ah in Askari kasta oo ka tirsan AMISOM mushaarkiisa bisha  laga jaray 400-Dollar.

©Radio Dalsan

Latest stories