HomeWarar(Magaca): Muwadin Somali oo xalay lagu dilay dalka Australia.

(Magaca): Muwadin Somali oo xalay lagu dilay dalka Australia.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Muwaadin Somali oo Dareewal Taksi ka ahaa dalka Australia ayaa la sheegay in xalay la dilay, xilli uu ku sii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla  Deegaanka Fizroy oo 2 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Melbourne ee Gobalka Victoria ee dalkaasi. Marxuumkaasi oo 31 jir ahaa ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay qaarka sare […]

- Advertisement -

Muwaadin Somali oo Dareewal Taksi ka ahaa dalka Australia ayaa la sheegay in xalay la dilay, xilli uu ku sii jeeday Hoygiisa oo ku yaalla  Deegaanka Fizroy oo 2 KM dhanka W/bari kaga toosan magaalladda Melbourne ee Gobalka Victoria ee dalkaasi.

Marxuumkaasi oo 31 jir ahaa ayaa la sheegay in Tooreey looga dhuftay qaarka sare ee Jirkiisa, xilli uu sii geli lahaa Dhismaha uu la deganaa Waalidkiisa.

- Advertisement -

Saraakiisha Boliska ee Saldhigga Fitzroy Police Station ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii loo badbaadin lahaa Dareewalkaasi, balse uu isla goobtii uu ku naf baxay abaarihii 11:30 Fiidnimo ee Xalay.

Warkan oo aan ka soo daalacanay Shabakadda Wararka ee 9news.com.au ee dalka Australia ayaa qortay inay Labo Goobjooge sheegeen inay arkayeen Nin dheer oo labisan dhar madow, isla markaana watay Boorsadda Garabka oo ka sii cararayey goobta uu dilku ka dhacay.

Marxuumka oo la oran jirey Maxamuud Xuseen, balse lagu naanaysi jirey Maxamuud Mukhtaar ayaa la sheegay inuu dhulka ku dhacay isla markii la dooxay, waxayna Boliska maydka dhinaciisa ka heleen Mobaylkiisa iyo Suunkiisa, mana kala cadda in wax laga dhacay iyo in kale.

- Advertisement -

Baarayaasha Boliska Australia waxay sheegeen inay baari doonaan dhacdadaasi, isla markaana qiimeyn doonaan Muuqaalka ay duubeen Kaamerooyinka Dahsoon ee CCTV ee ku rakiban Deegaanka xalay lagu dilay Muwaadinka Soomaaliga.

Taksiile kale oo saaxiib la ah Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabo Cabdulle Botaan ayaa u sheegay Suxufiyiinta inay Jaalliyadda Soomaaliyeed waqti murugo u tahay dilka Marxuumkaasi oo uu sheegay inuu ahaa Nin fiican oo aan marna dad kale dhibaataynin.

Agaasimaha Fulinta ee Ururka Taksiilayaasha Gobalka Victoria, David Samuel waxa uu tacsi u diray qoyska uu ka baxay Marxuumkaasi oo uu tilmaamay in ahaa Dareewal u adeega Dadweynaha, gaar ahaan xilliyadda dambe.

©Radio Dalsan

Latest stories