HomeWararRa’isul-wasaare Cumar “Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan...

Ra’isul-wasaare Cumar “Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha”

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Muqdisho, April 19, 2016—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle […]

- Advertisement -

Muqdisho, April 19, 2016—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey geerida dad tahriibayaal Soomaali ah oo ku geeriyooday Badda Meditarrean-ka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—-

- Advertisement -

Ahmed-nur Mohamed 
Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

Latest stories