HomeWarar(LA-YAABKA & SAWIRO): Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa  nin...

(LA-YAABKA & SAWIRO): Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa  nin aad u dheer.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

  Tomas Pustina oo u dhashay dalka Jeek (Czech Republic) ayaa geeriyooday, kadib, markii uu wadnuhu joogsaday xilli uu hurdayey. Ninkaasi oo 38 jir ah waxa uu ka mid ahaa ragga ugu dheer Caalamka, wuxuuna dhererkiisu dhamaa 7 cagood iyo 4.2 hiish (7 ft, 4.2 inches). Boliska Dab-damiska ayaa iska kaashaday sidii ay maydka ninkaasi […]

- Advertisement -

 

Tomas Pustina, a Czech national who had been dogged by health problems all his life due to being over 7ft tall, has died aged 38. He is pictured during a role in the film Hodinu NevisTomas Pustina oo u dhashay dalka Jeek (Czech Republic) ayaa geeriyooday, kadib, markii uu wadnuhu joogsaday xilli uu hurdayey.

- Advertisement -

Ninkaasi oo 38 jir ah waxa uu ka mid ahaa ragga ugu dheer Caalamka, wuxuuna dhererkiisu dhamaa 7 cagood iyo 4.2 hiish (7 ft, 4.2 inches).

Boliska Dab-damiska ayaa iska kaashaday sidii ay maydka ninkaasi oo aad u cuslaa uga soo saari lahaayeen dhismaha Dabaqa Kowaad ee uu ka deganaa Degmadda Roskos ee Bartamaha dalka Czech Republic.

Qoysaska ninkaasi waxaa loo sheegay in dib loo dhigay aasakiisa, kadib, markii ay Qabri-qodayaal cabasho ka keenay godkii lagu aasi lahaa  ninkaasi.

- Advertisement -

Waxay sheegeen in loo baahan yahay in loo sameeyo Naxash cabirkiisa leh, loona qodo Qabri aad uga dheer kuwa dadka caadiga lagu aaso.

Maareeyaha Qabuuraha Deegaanka, Martin Malesh ayaa sheegay inay dhibaato tahay si lagu helo qabri ku filan Maydka, maadaama qariga caadiga dhererkoodu yahay 220 cm (Sentinmitir) ama 86.6 inches.

Iveta Zackova oo la dhalatay Marxuumka geeriyooday ayaa u sheegtay Wargeyska The Czech national newspaper ee Blesk inuu Walaalkeeda geeriyooday isagoo si nabad ah u hurda. Waxaa istaagay Wadnihiisa.

Waxay intaasi ku dartay inay iyada iyo saaxiibadiisa ugu dhawaa aasi doono Isbuuca soo socda.

Josef Seerad oo deris la ah qoyskaasi ayaa sheegay inuu Tomas Pustina ahaa wiil caadi ah ilaa uu ka soo gaaray da’da 14-ka, kolkaasi oo jirkiisa bilaabay inuu si dhaqso leh u koro, una dheeraada.

Marxuumka geeriyooday ee Tomas Pustina waxa uu ahaa Ninka ugu dheer Jamhuuriyadda Jeek (He was Czech Republic’s tallest man).

Image result for Tomas Pustina

Image result for Tomas Pustina

The giant will also need to be buried as the local crematorium does not have an oven long enough

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

Latest stories