HomeWararCiiddanka Kenya oo baadi-goobayo Alshabaab gaari iyo Hoobiye ka soo qaatay Saldhig...

Ciiddanka Kenya oo baadi-goobayo Alshabaab gaari iyo Hoobiye ka soo qaatay Saldhig Bolis oo ku yaalla Wajeer.

Date:

Related stories

FIFA to pay Somali referee after US entry bar disrupted World Cup role

World football governing body FIFA has taken an exceptional...

Galmudug demands consensus-led election amid tensions

Somalia’s Galmudug state has rejected any election model imposed...

UN releases $10 mln to avert famine in Somalia as hunger crisis

The United Nations has released $10 million from its...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Qabatay Shirweynaha Labaad ee Garaad...
- Advertisement -

Hawlgal Isku-dhaf ah ayey Milliteriga iyo Boliska Kenya ka bilaabeen meel ku dhow xuduudka Kenya iyo Somalia, kadib, markii ay  ku-dhawaad 100 Dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan ay Waaberigii hore ee saakayto  weerar ku qaadeen Saldhig Bolis oo ku yaalla Tuulladda Diif ee hoos tagta Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya.

Afhayeenka Adeegga Boliska Kenya, George Kinoti waxa uu sheegay inay Alshabaab gubeen Saldhiga, ka hor intaysan la tegin Gaari ay Boliska lahaayeen iyo Qoriga laga tuuro Hoobiyaha.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay  3 Askari dhaawaceen, isla markaana ay gubeen Dukaan uu lahaa Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya.

Dhinaca kale, Sarkaal kale oo codsaday inaan magaciisa la xiganin ayaa sheegay inay dhaawaceen qaar ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo uu xusay inay ku daabuleen Gaariga Land Crusierka ee ay ka qaateen Saldhigga, waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha waxay sheegay inay La-yaab ku noqotay Weerarkii xalay, maadaama aan Alshabaab looga baranin inay soo weeraraan Deegaanadda hoos taga Wajeer.

- Advertisement -

©Radio Dalsan

Latest stories