HomeWararAmnesty International oo soo bandhigtay Tiradda xukunadda dilalka ee sannadkii hore laga...

Amnesty International oo soo bandhigtay Tiradda xukunadda dilalka ee sannadkii hore laga fuliyey Somalia.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin-sannadeedka la xiriira xukunadda dilalka ee Caalamka laga fuliyey sannadkii hore ee 2015-ka. Amnesty international waxay sheegtay in tiradda xukunadda dilalka ee Caalamka sii korodhay, iyadoo sannadkii hore gaartay meesha ugu sarreysay tan iyo sannadkii 1989-kii. Amnesty international waxay xustay in ugu yaraan 1,634 […]

- Advertisement -

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa soo saartay Warbixin-sannadeedka la xiriira xukunadda dilalka ee Caalamka laga fuliyey sannadkii hore ee 2015-ka.

Amnesty international waxay sheegtay in tiradda xukunadda dilalka ee Caalamka sii korodhay, iyadoo sannadkii hore gaartay meesha ugu sarreysay tan iyo sannadkii 1989-kii.

- Advertisement -

Amnesty international waxay xustay in ugu yaraan 1,634 qof lagu fuliyey xukuno dil ah sannadkii hore, taasi oo muujinaysa sara-kaca in ka badan 50% marka loo eego sannadkii ka horreeyey.

Warbixinta waxaa lagu muujiyey in 89% xukunadaasi laga fuliyey dalalka Iran, Pakistan iyo Sacuudiga, iyadoo dalka Shiinaha oo Kumanaan qof lagu dilo, haddana Dowladda Shiinaha waxay aad u dhowrtaa Sirta xukunadda dilka.

Shaxda Amnesty International waxaa lagu xusay in Iran lagu dilay 97 qof, Pakistan 326 qof, Sacuudiga 158, Maraykanka, 28 qof, Iraq 26 qof, Masar 22 qof, Indonesia 14 qof iyo Chad oo 10 qof lagu dilay sannadkii hore.

- Advertisement -

tiro-koobka dilalka Warbixinta Amnesty International waxaa lagu sheegay in Somalia sannadkii hore Xukun dil ah lagu fuliyey 25 qof, waana tiro aad u yar marka loo eego xukunadda sannadihii ka horreeyey.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuunadda dilalalka ee ay Maxkamadaha ridaan ka sokow waxaa jira dad badan oo ku geeriyooda qaraxyadda, is-rasaasaynta iyo dhaca hubeysan, kuwaasi oo aan haba yaraatee la diiwaan gelinin, lana soo qabanin kooxaaha ka dambeeya dilalka dadka rayidka ee Somalia.

©Radio Dalsan

Latest stories