HomeWararMadaxweyne Barack Obama oo difaacay Hawlgalka Droneska ka geystaan Somalia.

Madaxweyne Barack Obama oo difaacay Hawlgalka Droneska ka geystaan Somalia.

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa difaacay go’aanka Maamulkiisa ku ansixiyeen in si caadi loogu isticmaalo Diyaaradaha Droneska iyo duqeymaha kale ww laagu bar-tilmaameedsado Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo XerooyinkaTababarka ee ku yaalla dalalka Somalia, Yemen iyo Libya. Madaxweyne Barack Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Shirweynaha Ammaanka Nukliyeerka oo lagu soo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama ayaa difaacay go’aanka Maamulkiisa ku ansixiyeen in si caadi loogu isticmaalo Diyaaradaha Droneska iyo duqeymaha kale ww laagu bar-tilmaameedsado Hoggaamiyayaasha Alshabaab iyo XerooyinkaTababarka ee ku yaalla dalalka Somalia, Yemen iyo Libya.

Madaxweyne Barack Obama ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Shir Jaraa’id ku qabtay Shirweynaha Ammaanka Nukliyeerka oo lagu soo gebagebeeyey magaalladda Washington.

- Advertisement -

Barack Obama waxa uu qiray in duqeymaha Droneska mararka qaarkood si aan ku-talagal ahayn loogu dili jirey dad Rayid ah, balse, haatan la hagaajiyey Hab-raaca Nidaamka duqeymaha lagula beegsanayo Dadka sida gaarka loo ugaarsanayo.

“Waxaan si kalsooni leh u dhihi karaa inay Hawlgalladda la adkeeyey, iyo in qiimeyn joogto ah lagu sameeyo ka hor intaan la duqeynin dadka iyo goobaha yoolka u ah duqeymahaasi” ayuu  yiri Obama.

Hadalkiisa ayaa yimid, kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka sheegeen inay duqeyn ku dileen Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Alshabaab.

- Advertisement -

Duqeyntaasi oo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday Deegaanka Toorotoorow waxay Maraykanka sheegeen inay ku dileen Taliyihii Hawlgalladad Amniyaadka ee Alshabaab, Xasan Cali Dhoore iyo xubno kale.

©Radio Dalsan

 

Latest stories