HomeWararHoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay weerar Ciidamada Qaranka...

Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu dilay weerar Ciidamada Qaranka iyo AMISOM fuliyeen

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Mogadishu: April 2, 2016: Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Al-shabab, ayaa lagu dilay howl-gal si wadajir ah ay xalay ciidamada midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho. Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan […]

- Advertisement -

Mogadishu: April 2, 2016: Hoggaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ee Al-shabab, ayaa lagu dilay howl-gal si wadajir ah ay xalay ciidamada midowga Africa (AMISOM) iyo Ciidamada qaranka Soomaaliyeed (SNA) uga fuliyeen deegaanka Jannaale oo dhinaca Koonfur ka xiga magaalada Muqdisho.

Taliyaha AMISOM ee Sector One Brig. Gen. Sam Okiding ayaa xaqiijiyey in horjoogahaan Al-shabaab ka tirsanaa oo lagu magacaabi jiray Abdirashid Buqdube oo ay la socdeen 22 argagixisada ka tirsanaa la dilay kadib markii duqeyn cirka iyo howlgal dhulka ah laga fuliyey goobaha ay argagixisada ku dhuumaaleystaan ee ku teedsan wadada isku xirta Buufow iyo Jannaale.

- Advertisement -

Tiro kale oo ka tirsanaa argagixisada, ayaa la qaarajiyey labadii maalmood ee u dambeysay kadib markii ay isku dayeen in ay hor-istaagaan oo ay arbushaan ciidamada AMISOM iyo kuwa qaranka Soomaaliyeed ee howlaha horumarinta ah sida dayactirka ceelasha iyo nadiifinta waddooyinka ka wada deegaanadaas.

“AMISOM iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed waxa ay sii wadi doonaan nadiifinta wadooyinkaan, ayadoo ilaa iyo hadda la dhameystiray laba wado oo muhiim ah: Mid ka mid waxa ay isku xirtaa Beledul-amiin iyo Qoryooley, halka tan labaad ay isku xirto Beledul-amiin iyo Shalanbood. Waxaan hadda nadiifineynaa tan isku xirto Buufow iyo Jannaale halkaas oo ay Al-shabaab iska caabin kala hor-yimaadeen ciidamada” ayuu yiri Brig. General Okiding.

Ciidamada isbaheysanaya (AMISOM iyo SNA) waxa ay wadi doonaan in Alshabaab laga sifeeyo deegaanada ay haystaan ee ku xeeran Jannaale, si dadka deegaanadaas looga xoreeyo cadaadiska Alshabaab.
“Al-shabab isma qarin karaan, waana wadi doonaa in aan u diidno in ay helaan goobo ay ku badbaadaan si dadka looga xoreeyo argagixisada Alshabab,” ayuu sii raaciyey.

- Advertisement -

Xigasho:AMISOM

Latest stories