HomeWararRa’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Date:

Related stories

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Jaamacadda Ummadda oo daahfurtay xarunta Garaad Gacmeedka

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo daahfurtay Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda (SNAIC) si loo horumariyo cilmi-baarista, tababarka iyo hal-abuurka Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Garowe, March 31, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab iyo Masuuliyiin dawladeed oo aan waxba galabsan. “Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, gaar […]

- Advertisement -

Garowe, March 31, 2016….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii bahalnimada ahaa ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaasoo ay ku geeriyoodeen shacab iyo Masuuliyiin dawladeed oo aan waxba galabsan.

“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi ku geeriyooday, gaar ahaan Xisaabiyihii Maaliyadda gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf Gaada-yare. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Galmudug Xasan Ruush iyo dadkii qiimaha badnaa ee weerarkaas naftooda ku waayey, waxaana alle uga baryeynaa inuu geeyo Jannadiisa, intii dhaawaca ahna Alle bogsiiyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale ka hadlay ujeedada qaraxyada noocan ah ay ka leeyihiin kooxaha nabadiidka ee Shabaab.

- Advertisement -

“Ujeedada ay leeyihiin kuwa qaraxan gaystay waa in ay cabsi galiyaan shacabka Soomaaliyeed ee diyaarka u ah in ay gacan siiyaan dawladooda, dadka Soomaaliyeedna marna dib uma laaban doonaan” ayuu si kulul u yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Garowe, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

.

Latest stories