HomeWarar(SAWIRO): Afduubihii oo is-dhiibay, lana hadlay xaaskiisii hore.

(SAWIRO): Afduubihii oo is-dhiibay, lana hadlay xaaskiisii hore.

Date:

Related stories

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Waxaa la soo gebagebeeyey Afduubkii Diyaaraddii Egypt Air, kadib, markii uu is-dhiibay ninkii afduubaha ahaa.

Ciiddanka Boliska Jesiiradda Qubrus waxay sheegeen inuu Afduubaha iskiisa uga soo degay Diyaaradda, isagoo gacmaha kor u taagay, mana uusan wadanin waxyaabaha qarxa.

Diyaaradda oo nooceeda ahaa Airbus A320 waxay muddo 6 saacadood iyo bar taagnayd Garoonka Laranca Airport, iyadoo wada-xaajood lala galay Afduubaha oo lagu magacaabo Sayful-diin Mustafa.

Diyaaradaasi oo Duullimaadka Nambarkeedu ahaa MS181 ayaa la soo qafaashay, xilli ay isaga kala gooshaysay magaallooyinka Aleskandariya iyo Qaahira.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar waxay sheegtay inuu Afduubaha ahayn Argagixiso, balse uu nacas yahay.

“Argagixisaddu waa waalan tahay, balse ma aha nacas” ayaa lagu yiri hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar.

Boliska Qubrus waxay sheegeen inuu Ninkaasi isku xiray wax u muuqday qaraxyo, balse macmal ahaa.

AFDUUBAHA XAASKIISA HOREWaxa uu ninkaasi dalbaday xaaskiisa hore oo Qubrus deggan, taasi oo qeyb ka qaadatay Wada-xaajoodkiisa.

Waxa kale oo uu dalbaday in la sii daayo Maxaabiista haweenka ee ku xiran dalka Masar.

Boliska dalka Masar waxay qoyska ninkaasi su’aalo ku weydiiyeen Saldhigga Boliska ee Helwan oo ku yaalla magaalladda Qaahira.

Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegayo in Afduubaha uu yahay Sarkaal ka tirsan Milliteriga Masar.

Boliska Jesiiradda Qubrus, waxay rumeysan yihiin inuu Ninkaasi caadi ahayn oo uu qabo xanuun hdinaca Maskaxda.

AFDUUBAHA EGYPT AIR afduubihii oo is-dhiibay SAWIRKA AFDUUBKA6 SAWIRKA AFDUUBKA2 SAWIRKA AFDUUBKA1 SAWIRKA AFDUUBKA00 SAWIRKA AFDUUBKA 3 BOLISKA QUBRUS1

WQ. Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories