HomeWarar(KHAAS): Dooni hub u soo waday Xeebaha Galmudug oo la qabtay.

(KHAAS): Dooni hub u soo waday Xeebaha Galmudug oo la qabtay.

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee Faransiiska waxay dooni shixnad hub u soo waday Somalia ku qabteen meel ka baxsan Badda Somalia

Wargeyska TradeWinds ee laga leeyahay dalka Maraykanka oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa qoray inay Ciiddanka Faransiiska qabteen Doonidaasi, kadib,  markii ay ka shakiyeen, kuna joojiyeen meel ka baxsan Badda Somalia.

Wargeyska oo soo xigtay Sarkaall ka tirsan Shirkad Maraykan oo u qaabilsan dhinaca Baaritaanadda ayaa waxa uu si kooban u sheegay in Ciiddanka Faransiiska oo adeegsanayo Diyaaradaha Helikoptarka ku dul-dageen Doonida hubka waday, waxayna baaritaan kadib ka heleen shixnad hub ah oo la sheegay in loo soo waday Xeebaha Galmudug.

Sarkaalka faahfaahin kale ma bixinin, lamana sheegin tiradda hubka saaran Doonida, halka ay asal ahaan ka soo shiraacatay iyo cidda ay u rarnayd.

Qabashaddan ayaa timid, iyadoo ay Maamul-gobaleedyadda Galmudug iyo Puntland ay dagaal la galeen Alshabaab soo gaaray Deegaano ka tirsan Maamuladaasi oo ku teedsan dhinaca Xeebta.

Doonida ay Ciiddanka Faransiiska ku qabteen meel ka baxsan Xeebaha Bariga Somalia ayaa ah Doonidii Labaad oo hub u soo waday Somalia oo wax ka yar 3 isbuuc lagu qabtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Somalia.

Bilowgii bishan, Marakab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia waxay qabteen Dooni shixnad hub u soo waday Somalia,  xilli ay maraysay meel 195 mayl ka baxsan Xeebta dalka Cumaan.

Doonidaasi ayaa la sheegay in laga helay hub lagu qiimeeyey in ka badan Labo million oo Dollar.

Sidoo kale, Ciiddanka Badda ee Maraykanka ayaa xaqiijiyey in doonidaasi ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Iiraan.

Afhayeenka Ciiddanka Badda Maraykanka, Ian McConnaughey waxa uu tilmaamay inay Doonidaasi waday ku-dhawaad 2,000 oo qoryaha AK 47, 100 Gantaalladda garabka laga rido ee Baasuukaha, 50 Qoryaha PKM iyo Hoobiyayaal.

Badmaaxiinta la socotay doonidaasi ee ay Ciiddanka Australia qabteen bilowgii bishan Maarso ayaa u wada dhashay dalka Iiraan, waana la sii daayey markii ay Mariniska Australia kala wareegeen rarka hubkii ay wadeen.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Dowladaha Somalia iyo Iiraan oo xumaaday darteeda ayaa loo aaneynayaa inay Dowladda Iiraan ku dhiiratay inay shixanado hub ah u soo dirto Somalia, si ay qeyb uga noqoto Ammaan-xumida iyo Colaadaha ka socda qeybo ka mid ah dalka Somalia.

hub2 hub

©WARQABADKA Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories