HomeWarar(LA-YAAB & SAWIRO): Maxbuus iyo Askariyad jeclaatay oo baxsad ahaa oo la...

(LA-YAAB & SAWIRO): Maxbuus iyo Askariyad jeclaatay oo baxsad ahaa oo la soo qabtay.

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Boliska Talyaaniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Maxbuus u dhashay dalka Syria oo baxsad ahaa, kaasi oo ay la socotay Askariyad u dhalatay Switzerland oo jacayl daran u qaaday, kana caawisay sidii uu uga soo baxsan lahaa Xabsigii uu ku xirnaa. Afhayeen u hadlay Boliska magaalladda Milan ayaa sheegay inay Saraakiisha ku raad-joogeen Maxbuuska […]

- Advertisement -

Boliska Talyaaniga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Maxbuus u dhashay dalka Syria oo baxsad ahaa, kaasi oo ay la socotay Askariyad u dhalatay Switzerland oo jacayl daran u qaaday, kana caawisay sidii uu uga soo baxsan lahaa Xabsigii uu ku xirnaa.

Afhayeen u hadlay Boliska magaalladda Milan ayaa sheegay inay Saraakiisha ku raad-joogeen Maxbuuska oo lagu magacaabo Xasan Kiiko oo 27-jir ah iyo Askariyad lagu magacaabo Angela Magdici oo 32-jir ah.

- Advertisement -

Lammaanaha oo tan iyo bishii February ee sannadkan baxsad ah ayaa lagu qabtay Dhismo ku yaalla Degmadda Romani di Lombardia oo ku taalla Gobalka Berhamo ee Waqooyiga Talyaaniga.

Waxaa la sheegay inay muddo dhowr isbuuc ku sugnaayeen Degmadaasi, iyadoo uu Maxbuuska qorsheynayey inuu ka ambabaxo Talyaaniga, kuna laabto Bariga Dhexe.

Lammaanaha waxay sugayaan in loo masaafuriyo, loona gacan geliyo Dowladda Switzerland

- Advertisement -

 Si kastaba ha ahaatee, Bishii Feberaayo 11-dii ee sannadkan ayaan ka qornay Warbixin La-yaab leh Lammaanaha, ee Halkan hoose ka daallaco Lammaanahan la qabtay Jacaylkii ay isla soo mareen iyo qaabkii Maxbuuska looga soo bixiyey Xabsigii uu ku xirnaa.

(LA YAABKA & SAWIRO): Haweeney Ilaalo ka ahayd Xabsi oo jeclaatay Maxbuus, kadibna la baxsatay.

SWITZERLAND SYRIA

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

Latest stories