HomeWararQM oo ka soo horjeesatay Askaraynta carruurta yaryar ee dagaalladda Somalia.

QM oo ka soo horjeesatay Askaraynta carruurta yaryar ee dagaalladda Somalia.

Date:

Related stories

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa qeylo-dhaan ka muujiyey waxa uu ugu yeeray carruurta ay Alshabaab u adeegsanayso dagaalladda ay ka wadaan gudaha Somalia. Hadal-qoraal oo uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay tiradda Carruurta ka tirsanaa Alshabaab ee ay Ciiddanka Puntland ku qabteen dagaalladdii dhawaan ka […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa qeylo-dhaan ka muujiyey waxa uu ugu yeeray carruurta ay Alshabaab u adeegsanayso dagaalladda ay ka wadaan gudaha Somalia.

alshabaab lagu qabtay puntlandHadal-qoraal oo uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay inuu ka xun yahay tiradda Carruurta ka tirsanaa Alshabaab ee ay Ciiddanka Puntland ku qabteen dagaalladdii dhawaan ka dhacay qeybo ka mid ah Goballadda Puntland.

- Advertisement -

Waxa uu ku tilmaamay inay daad-gureynta Alshabaab ee Carruurtaasi tahay arrin Xukun Gaar ah leh, waa sida uu hadalka u yiri.

“Carruurtan waxay u baahan yihiin Kaalmo, iyo in la qaado tallaabo kasta oo muhiim ah si loo dhaqan-celiyo iyo  inay ugu dambeyn la midoobaan Qoyaskooda” ayuu yiri Micheal Keating.

Waxa uu intaasi ku daray inay carruurtaasi ka mid yihiin Tobaneeyo Xag-jirayaal oo lagu qabtay Deegaanadda Xeebta leh ee Puntland, kadibna loo wareejiyey caasimadda Puntland ee Garowe, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ee Arrimaha Somalia, waxa uu tilmaamay inay Madaxda Mamaulka Puntland la galeen Wada-xaajood wanaagsan oo ku aadan in la isku duwo tallaabooyinka lagu xaqiijinayo inay carruurtaasi helaan daawaynta saxda oo waafaqsan Xuquuqda Caalamiga ee Aadanaha iyo Sharuucda Aadminimadda.

madaxweynaha oo saxiixay Heshiiska QM ee Xuquuqda CarruurtaSi kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Mxaamuud waxa uu bishii Janaayo 20-dii ee sannadkii hore ee 2015-kii saxiixay Heshiiska QM ee Xuquuqda  Carruurta, iyadoo ay horey  194-Dowladood u saxiixeen Heshiiskaasi  26-kii sanno ee la soo dhaafay.

©Radio Dalsan

Latest stories