HomeWararWakiilka EU-da ee Somalia oo beeniyey inaysan dadka Soomaalida ka hawlgeli doonin...

Wakiilka EU-da ee Somalia oo beeniyey inaysan dadka Soomaalida ka hawlgeli doonin Xarunta EU-da ee  Muqdisho.

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Danjiraha Midowga Europe ee dalka Somalia, ahna Ergaygooda Gaarka ee Arrimaha Somalia, Michele Cervone d’Urso ayaa  sheegay inaysan wax ka jirin war lagu sheegay inay EU-da ka mamnuucday inay dadka Soomaalida ama kuwa haysta dhalashadda kale ee asal ahaan Soomaali ah loo oggolayn inay ka shaqeeyaan Xarunta cusub ee EU-da ka dhisanayso agagaarka Garoonka Caalamiga […]

- Advertisement -

Danjiraha Midowga Europe ee dalka Somalia, ahna Ergaygooda Gaarka ee Arrimaha Somalia, Michele Cervone d’Urso ayaa  sheegay inaysan wax ka jirin war lagu sheegay inay EU-da ka mamnuucday inay dadka Soomaalida ama kuwa haysta dhalashadda kale ee asal ahaan Soomaali ah loo oggolayn inay ka shaqeeyaan Xarunta cusub ee EU-da ka dhisanayso agagaarka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Michele Cervone d’Urso oo maanta Wareysi Khaas ah siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay inay Shaqsiyaad danno gaar ah leh faafiyeen warkaasi, wuxuuna xusay inay dabagal ku hayaan.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey haddii uu xaqiijin karo  sugnaanshaha Dukumenti muujinaya inay EU-da iyo Shirkadda Qandaraaska ku qaadatay Dhismaha cusub ee EU-da, waxa uu sheegay inay EU-da wax laga weydiin karo arrintaasi.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Safaaraduhu leeyihiin Borotokool Khaas ah, wuxuuna xusay inay Midowga Europe la soo shaqeeyeen Hoggaamiye-kooxeedyaddii,Maxkamadihii Islaamka, isla markaana ay dadka Soomaalida ka shaqeyn jireen Xafiisyadda EU-da ee Somalia.

Michele Cervone d’Urso waxa uu sheegay inay xiriir fiican leeyihiin, isla markaana la shaqeeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowladda Federalka.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa waxa uu soo baxay iyadoo Dukumentiyo la soo dhigay YouTube-ka lagu muujiyey inaysan EU-da oggolayn inay dadka Soomaalida ama asal ahaan ka soo jeeda Soomaali ka hawl galaan Xarunta cusub ee EU-da ka dhisanayso magaalladda Muqdisho.

Warbaahinta Dalsoor ayaa soo bandhigtay Xogta iyo Dukumentiyadda lagu muujiyey arrintaasi iyo qaabka ay EU-da u jebinayaan Siyaasadooda iyo tan Caalamiga

Shabakadda Wararka Dalsoor waxay sheegtay haddii ay xaqiiqo noqdaan Dukumentiga Sirta inay taasi ka horimaanayso Sharciga u gaarka EU-da.

Midowga Europe waxay Somalai ka taageeraan Mashaariicda xaqiijinta Nabad-dhiska Waaxda Anmmaanka, waxay kaloo EU-da ka mid tahay Deeq-bixiyayaasha lafdhabarka u ah  taakuleeynta Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

©Radio Dalsan

 

Latest stories