HomeWararKenya oo ku baaqday in la kordhiyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Kenya oo ku baaqday in la kordhiyo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Kenya, Rayshell Omamo ayaa ugu baaqday Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inay ku soo biiriyaan Ciiddamo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto La-dagaalanka Alshabaab. Baaqaasi ayey ka jeedisay Kulan Heer Sare ah oo ay ka soo qeyb galeen Taliyayaal Sare iyo U-qeybsanayaasha Difaaca oo lagu qabtay Xarunta Tababarka […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalka Kenya, Rayshell Omamo ayaa ugu baaqday Dowladaha ay Ciiddanka ka joogaan Somalia inay ku soo biiriyaan Ciiddamo dheeraad ah, si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto La-dagaalanka Alshabaab.

Baaqaasi ayey ka jeedisay Kulan Heer Sare ah oo ay ka soo qeyb galeen Taliyayaal Sare iyo U-qeybsanayaasha Difaaca oo lagu qabtay Xarunta Tababarka Taageeradda Nabadda Caalamiga ee Degaanka Karen oo ku taalla K/galbeed Nairobi.

- Advertisement -

Waxay kaloo ugu baaqday QM inay Taageero dheeraad siiyaan Hawlgalka AMISOM, kadib, markii ay Midowga Europe jareen 20% dhaqaalaha ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

“AMISOM waxay u dagaalamayaan Caalamka, waxaana kow ka nahay Aagga hore ee daagaalka, waxaan codsanaynaa in Taageeradda AMISOM loo sii wado sida loo siiyo dhamaan Ciiddanka QM” ayey tiri.

Waxay kaloo tilmaamtay  in Codsi loo diri doono QM, kadib, marka ay Dowladda Kenya go’aansato haddii la kordhinayo Ciiddankooda joogo Somalia iyo in kale.

- Advertisement -

“Haddii ay QM oggolaato Codsigaasi, waxaan eegi doonaa inta ciiddan ee aynu ku kordhin karno, laakiinse, waxaa khatar ah sida loo xoojinayo Ciiddankaasi” ayey tiri Wasiirka Difaaca ee Kenya.

Waxayna intaasi sii raacisay walaacooda ugu weyn inuu yahay Xoojinta AMISOM si ay awood ugu yeeshaan inay fuliyaan hawsha gudaha ee loo idmaday.

Hadalkeeda ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Hoggaamiyayaasha Dowladaha ay ciiddanka AMISOM ka joogaan Somalia dhawaan kulan ku yeesheen dalka Jabuuti, kuna baaqeen in Ciiddamo loo daad-gureeyo dhamaan Qeybaha Goballadda Somalia ee ay AMISOM ka hawlgalaan.

©Radio Dalsan

Latest stories