HomeWarar(FAALLO):- Ma dhab baa inay Ethiopia xanibtay Webiga Shabelle ?

(FAALLO):- Ma dhab baa inay Ethiopia xanibtay Webiga Shabelle ?

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Xilli Jiilaal oo ay cimilladu aad u kulushahay ayaa lagu jiraa, waxayna dadka iyo duunyadda xilligan oo kale aad u isticmaalaan Biyaha oo qeyb ka ah Nolosha.

Laakiinse, dadka ku nool Jiinka Webiga Shabelle waxay baahi xooggan u qabaan Biyaha, waxaana guray Webiga oo ahayd isha ugu horreysa ee ay biyaha ka heli jireen.

Dadka iyo Duunyadda ku nool qeybo ka mid ah Goballadda Sh/hoose, Sh/dhexe iyo Hiiraan waxaa dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay la soo darsatay biyo la’aan, kadib, markii uu guray Webiga Shabelle ee dhex mara Goballadaasi

Dadka, Xoolaha iyo Beeraha ayeyna saamaysay biyo la’aanta Webiga Shabelle, waxaana Deegaanadaasi ka jira biyo la’aan, iyadoo la sheegay in Biyaha laga soo dhaamiyo Ceelala iyo Baraago ku yaallo Deegaano kale.

Qiimaha Fuustadda Biyaha ayaana la sheegayaa inay meelaha qaarkooda gaartay ilaa 200,000 oo Shillin, waana kharaj aysan wada awoodi karin qeybaha bulshadda ku tiirsanaa Biyaha Webiga ee lacag la’aanta u ahaa.

Dareenka Biyo la’aanta ka jirta Deegaanadaasi ayaa waxay ku soo beegantay,  iyadoo bishan Maarso 22-da Caalamka oo idil  looga dabaaldegay Maalinta Biyaha Adduunka

Haddaba waxaa isweydiin mudan waxa dhaliyey inuu guro Webiga Shabelle, oo asal ahaan biyahiisu ka soo hoobtaan dhulka Buuraha iyo Webiyadda ku yaalla Bariga Ethiopia.

Sababaha dhaliyey inay biyaha Webiga Shabelle yaraadaan ama guraan ayaa la sheegay inay u sabab tahay iyadoo Dowlad-degaaneedka Soomaalda Ethiopia haatan bilowday Mashruuc lagu xakamaynayo Biyaha Webiga ee u soo qulquli jirey Somalia,.

cabdi maxamuud cumarMadaxweynaha Maamul-deegaaneedka Kilinka Shanaad, Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhawaan ka shanqariyey in loo baahan yahay in laga faa’ideysto biyaha Webiga ee dayacnaanta ka muuqato, wuxuuna sheegay inay xanibeen biyihii webiga ee u qulquli jirey dhinaca Somalia.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay muddo daraasaad ku hayeen arrintaasi, loona baahan yahay inay dadaka Deegaanka ka faa’ideystaan Biyaha Webiga oo ay ku tacbadaan dhul-beereedka.

Xaalladda haatan taagan ayaana u muuqata Khatar cusub oo ku soo fool leh dadka, duunyada iyo dhul-beereedka ku tiirsanaa Webiga Shabelle.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Dowladda Ethiopia ka fekerayso inay Biyo-xireen cusub dhisto, si loo xakameeyo Biyaha Webiyadda ee Somalia u soo orora.

Sidoo kale, Dowladda Federalka ayaa laga rajeynayaa inay Dowladda Dhexe ee Ethiopia iyo Maamulka Soomaalida Ethiopia kala hadlaan Qaddiyadda Webiga Shabelle oo ay ku tiirsan yihiin Beeraleyda iyo Dadweynaha deggan Jiinka Webigaas.

Haddii aysan Dowladda Federalka ka dhiidhinin arrintaasi , waxay taasi saamayn xooggan ku yeelan kartaa Malaayiin qof oo ku tiirsan Webiga Shabelle.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabada ay Dowladda Ethiopia ku dhaqaaqday ayaa lagu fasiri karaa isku-day kale o oay ku doonayso inay Somalia ka xayiraan biyaha Webiga, sida ay Ethiopia uga xayirtay dalalka Sudan iyo Masar isticmaalka qulqulka Webiga Niil ee ka soo faruurma Ethiopia.

Dhismaha Mashruuca Biyo-xireenka Dib-u-curashadda Ethiopia ayaa ah ubucda khilaafka Siyaasadda ee Dowladaha Ethiopia kala dhexeeyo Dowladaha Masar iyo Sudan.

webiga3 webiga2

biyo-xireenka ethiopia

©Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories