HomeWararMadaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Madaxweynaha oo cambaareeyay weeraradii argagixiso ee ka dhacay magaalada Brussels

Date:

Related stories

Duq magaalo oo Mexico ah oo “guursaday” yaxaas si loo raadiyo barwaaqo

Duqa magaalada San Pedro Huamelula ee Mexico ayaa ka qeybgalay xaflad dhaqameed uu “ku guursaday” yaxaas loo labisay sida aroosad, iyadoo dadka deegaanka ay rumeysan yihiin in munaasabaddan ay keento barwaaqo, roob iyo wax-soo-saar wanaagsan.

Haweeney Ruush ah oo 27 jeer uur qaaday, 69 carruur ah dhashay

Valentina Vassilyeva ayaa taariikhda lagu xusay inay 27 jeer uur qaadday, iyadoo dhashay 69 carruur ah, oo ay ku jiraan 16 laban-laab, 7 saddex-laab iyo 4 afar-laab.

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay weerarada waxashnimada ah ee ay magaalada Brussels ka geysatey kooxda argagixisada ee Daacish. “Waxaan dunida la wadaageynaa cambaareynta looga soo horjeedo weerarada bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu qaaday ee ka dhacay Brussels. Waxaan murugada la qeybsaneynaa kuwa ehelkooda ku waayey falkan argagixiso, […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa cambaareeyay weerarada waxashnimada ah ee ay magaalada Brussels ka geysatey kooxda argagixisada ee Daacish.

“Waxaan dunida la wadaageynaa cambaareynta looga soo horjeedo weerarada bahalnimada ah ee dadka shacabka ah lagu qaaday ee ka dhacay Brussels. Waxaan murugada la qeybsaneynaa kuwa ehelkooda ku waayey falkan argagixiso, inagoo sidoo kale u tacsiyeyneynaa qoysaska ay saameynta ku yeesheen weeraradan. Waxaan garab taaganahay dowladda Belguim-ka dadaalka ay ugu jirto inay gacan u fidiso dadkeeda falkan xun ku waxyeeloobay’’.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in Soomaaliya ay ka xun tahay sii socoshada weerarada lagu beegsanayo dadka shacabka ah.

“Ururka Daacish waxaa uu mar kale maanta laayey dad aan waxba galabsan. Waxaa kale oo uu weerarkan soo bandhigay in ururkan aanu u taagneyn wax aan ka ahayn inuu burbur iyo qarbudaad ka geysto caalamka. Si kulul ayaan u cambaareyneynaa falalkan guracan ee argagixisonimo ee Daacish ay ku kacayso. Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay dowladda Belgium,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa raaciyay in argagixisonimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahann si wadajir ah xil la isaga saaro la dagaalankooda, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ay falalka argagixisonimo saameeyeen, isla markaana ay si dhow beesha caalamka ugala shaqeyneyso sidii loo ciribtiri lahaa kooxaha xagjirka ah.

Latest stories